|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2885 |
January 27, 2012 Rabi'al-Awal 04,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Hargeysa: Saddex Arday Oo Ku Guulaystay Inay Ikhtiraacaan Qaamuus Cusub Oo Electronic Ah Hargeysa, January 27, 2012 (Haatuf) - Saddex Arday oo reer Somaliland ah ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay inay Hindisaan Qaamuus cusub oo Electronic ah, isla markaana ay ku diyaariyeen 98,000 Eray, kuwaas oo isku turjumi doona luqadaha Somaliga iyo Ingiriisiga. Saddex-dan arday oo dhigta Jaamacada Alpha University ee Magaaladda Hargeysa ayaa sheegeen inay wakhti badan ku qaadatay hindisahan ku cusub dalka, in badana aanay hurdo ku filanin seexani, taas oo ay ku sababeeyeen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen himiladoodaas ay gaadheen hada. Sadexdan Arday oo magacyadoodu kala yihiin Cabdiqaadir Cabdixakiim Maxamed, Guuleed Guray Gaas iyo Axmed Cabdi Boobale tilmaamay inay Qaamuuskan iyagu miskaxdooda ka sameeyeen, isla markaana uu yahay mid isku turjumaya Luuqadaha English-ka iyo Somali-ga, iyaga oo sheegay inuu noqonayo Qaamuuskii ugu horeeyey ee ay sameeyaan guud ahaan dadka Afka Somaliga ku hadlaa. Qaamuuskan cusub oo shalay lagu soo bandhigay Hotel Empearial ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiye ku xigenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Xildhibaano, maamulka Jaamacadda Alpha iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa ah mid Qaamuus Electronic ah oo loo isticmaalaayo sida Software-da lagu istimaalo Computerada iyo Aaladaha Isgaadhiinta casriga ah, waxaanu noqonayaa kii koowaad ee Dunida laga hergeliyo. Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha University College Maxamed Xuseen Cismaan (Mu,adinka) oo ka warbixiyey hawsha Qaamuuskan waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa Qaamuus cusub oo lagu magaacaabo MAAN Dictionary qaamuus kani oo ka kooban 98,000 Eray oo isugu jira English iyo Somalia waxaa sameeyey 3 arday oo jaamacada ka tirsan oo iyaga oo la kaashanaaya cilmigooda la soo baray akhitiraacay Qaamuus cusub oo waliba ELECTRONIC ah samaynta qaamuus kani maaha arin howl yar balse dadaal badan oo ay geliyeen waxa ay ku guulaysteen in ay sameeyaan Jaamacad ahaan dhiiri gelintayada kama madhna waana wax lagu faano oo loo bahan in lagu daydo, ardaydani wali jaamacada may dhamaynin oo waxay ka mid yihiin kuwa sanadka soo socda ka baxaaya“. Axmed Cabdi Boobale oo ka mid ahaa sadexdii arday ee ku guulaystay samaynta qaamuuskani, ayaa isaguna ka warbixiyey qaabka loo adeegsanayo Qaamuuskan cusub ee ay sameeyeen. Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka waramay qiimaha ay tacliintu u leedahay buni,aadamka iyo sida ay qayb lixaad leh uga qayb qaadanayso horumarka bulshada aadna ugu mahadnaqay ardaydii soo diyaarisay Qaamuuskan kuna dhiiri geliyey in ay halkaasi ka siiwadaan fekerkooda. Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilaad oo isaguna halkasi ka hadlayaa ayaa uga mahadnaqay Jaamacada Alpha iyo Arday Samaysay Qaamuuskani Electronic ah. Cabdiqaadir Cabdixakiim Maxamed oo ka mid ahaa Ardaydii samaysay Qaamuuskani isaga oo ka warbixiyey marxaladihii ay la soo mareen intii ay ku gudo jireen samaynta Qaamuuskani ,waxaanu sheegey in uu ku qaatay samayntiisu wakhti faro badan isga oo xusay in aanay hebeen iyo maaliba ay ku mashuulsanaayeen in ay ka midho dhaliyaan hamigo balse ay aakhirkii u suuro gashay taana ay aad ugu faraxsan yihiin Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Guuleed Guray Gaas oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen samayntii qaamuuskani isaga oo da,yarta waxbarata kula taliyey in ay isku daayaan maskaxdooda tuujiyaan si ay dadkooda iyo dalkoodaba u anfacaan.
|