Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maxkamada Togdheer Oo Xukun Ku Riday Koox Lacag Dollar Faalso Ah Lagu Soo Qabtay

Burco, January 26, 2012 (Haatuf) - Maxkamada Gobolka Togdheer ayaa shalaly Xukun ku riday koox lacag dollar faalso ah lagu soo qabtay, lacagtan faalsada ah oo ah tii ugu badanayd ee ee lagu qabto Gobolka Togdheer ayaa daraato Degmada Dhoqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer lagu soo qabtay.

Kooxdan foojariyeystayaasha ah ee lacagta lagu soo qabtay ayaa ka koobnaa Afar nin oo watay Gaadhi Sarf ah iyo lacag dhan $7800 (Todoba kun iyo sideed Boqol oo Doolar), kuwaas oo doonayay inay dawaynaha deegaankaas kaga soo iibsadaan xoolo nool, waxaana sida la sheegay ay ka Baxeen magaalda Burco, balse markay ka warheleen Maamulka degmada Dhoqoshay iyo Boolisku ay gacanta ku dhigeen una soo gubiyeen dhinaca Magaalada Burco.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxmed Jaamac Cashuur oo Goa,aankaas Maxkamada ku riday eedaysanayaasha ayaa waxa uu Midkiiba ku xukumay 5 Shan Sano oo xadhig ah iyo Gaadhiga oo lagu Ganaaxay 3,000,000 S/land Shilin ah (Sadex Milayan).

Kooxdan Maxkamadu xukuntay ayaa waxa ay kala ahaayeen C/qani Jaamac Warsame oo 27-jir ah, Cabdi Maxmed Axmed oo 29 jir ah, Cabdi C/laahi Axmed oo 25 jir ah, Faarax Maxmed Cumar oo 25 jir ah. Waxaana Lacag taas oo ahayd $7800 Todoba kun iyo Sideed Boqol oo doolar oo ka koobnayd noodka Boqol boqol ah lagu Gubay Maxkamada horteeda. Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka Jaamac Ducaale Siciid oo ka hadlay Goobtii lacagtaas lagu Gubay ayaa dawaynaha reer Somaliland uga Digay khatarta ay leedahay lacag tani waxaanu sheeagay inay Makiinadii lagu samaynayay lacagtani ay taalo dalka maadama oo ay diideen inay sheegaan eedaysanayashu inay sheegaan, waxaanu yidhi “Waxaan dawaynaha reer Somaliland u sheegayaa inaanay lacagtani intaas ku dhamayn ee ay makiinadii dalka taalaa oo wali maanan helin waana la daba socdaa ee waa in gacan nalaga siiyaa lacag tani waa aafo waaana lacag badan oo 7800 ah Nimankani Burcay lacagta kala baxeen”.

Waxa kale oo isna goobta lacagta lagu guubay joogay Guddoomiyaha degmada Dhoqoshay ee kooxdan soo qabtay Maxamud Xasan Saleebaan, kaas oo sheegay in ay soo qabteen halis la doonayay in dhaqalaha reer Somaliland wax la gu yeelo waxana inta ku daray inay bulshadu ka fejignaato dadka budhcada noocan oo kale ah.