Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Furayaasha Horumarka

Buugan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Aadam Maxamuud Maxamed (Adam widhiidh) waa buug xambaarsan waayaha kala duwan ee nolosha, Waxana uu qoraagu buugan ugu magacdaray  furayaasha horumarka,Q.18AAD …………………………………..

Markaasuu uga waramay xaalkiisa markaasay dahab siiyeen, dabadeedna uu diiday, kamuuna qaadanin hal diinaar mooyaane, kaas oo uu ugu qoray dhowr xadiis)).

Waxa la weydiiyey imaamu shacbi wuxuu ku helay cilmiga faraha badan? Markaasuu ku jawaabay:

((socod aan dhulka socday, iyo adkaysi ka dameerkoo kale ah, iyo kallihid sida kallihida tukaha oo kale ah)).

((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))

-miyaanay gaadhin wakhtigii aynu ku dayan lahayn culimadii muslimiinta??

-miyaanay soo dhawaan wakhtigii aynu u dadaali lahayn sidaynu u nasino waalidka hadh iyo habeen u ordaya siday wax inoo tari lahaayeen??

-miyaanay soo dhawaan wakhtigii aynu ka adkaysan lahayn xumaan wal oo jirta??

-miyaanay soo dhawaan wakhtigii aynu ku adkaysan lahayn wanaag kasta oo jira??

Waxa ay ahaayeen dadkeenii hore kuwo sabirka iyo adkaysiga ku dadaala.

*Nebigeenu C.S.W iyo abuu bakarba waa la sumeeyay, cumar iyo cusmaan waa la dilay. Ogow in ay ahaayeen hogaamiyayaashaadii loona baahan yahay in aad wax ku qaadato arrinkaa.

*xusayn binu cali iyo daxaak binu qays, c/laahi ibnu subayr, nucmaan ibnu bashiir, waa la laayey dhammaantood diinta ilaahay daraadeed ayey ku shahiideen.

*xajjaaj sidoo kale wuxuu dilay c/raxmaan ibnu abii laylaa, c/llahi ibnu qaalib, saciid ibnu jubayr, kaamil ibnu ziyaad, iyo c/llaahi ibnu subayr . waa uu daldalay ee haddaba waxa loo baahan yahay in aad u adkaysatid adduunka wax wal oo ku soo mara.

*cabdiraxmaan ibnu abii laylaa waxa uu ku dhuftay xajjaaj 400 oo jeedal kadibna waa uu dilay.

 

((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))

62

*abuu camri ibnu calaa waxa ay ku dhufteen reer banii umaya 500 oo jeedal

*maalik binu anas waxa laga jaray isagana 70 jeedal.

U fiirso walaal waxaa lagaaga baahan yahay inaad u adkaysato haddii lagu dilo iyo haddii kaleba waayo waa waa wadadii halyeyada, waxaan doonayaa inaan soo bandhigo taariikh nololeedyo si cad  inoo tusaya adkaysigii ay lahaayeen raggii hore:

* axmed binu xanbal

 

waxa uu ku dhashay magaalada baqdaad 164 kii hijriyada, waxa uu aabihii dhintay isagoo 3 jir ah, waxa uu bilaabay inuu fiqiga ka dhigto qaadigii abii yuusuf  waxa uu bilaabay intaa kadib isagoo ah 16jir ah in uu cilmiga xadiiska barto. Kadib waxa uu u safray yaman si uu sheekhii waynaa ee c/rassaaq uga soo qaato cilmi, waxaana uu noqday

 Ibnu xanbal caalim ka mida culimadii xadiiska waxa uu yidhi ibnu kathir:(( axmed binu xanbal waa la dhibaateeyey xilligii ma,amuun, xilligii muctasim, iyo xilligii waathiq waana markii uu yidhi quraanku makhluuq maaha ee waa hadalkii ilaahay, wixii jeelka ku soo marayna aad bay u dheeryihiin waxaana ka mid ahaa muda dheer uu jeelka ku jiray, in loogu hanjabay in la dili doona , in la dhadhansiiyey qaraacid badan, weliba markii uu muctasim qabsaday xukunka waxa lagu sii xoojiyay qaraacida, iyo xadhkihii ku xidh-xidhnaa )).

((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))

63

waxa uu yidhi imaamu axmed (( maan socon karayn xadhkaha iguxidhnaa daraadeed markaasaa gaadiid ay ii keeneen, waxaana la ii qaaday gurigii muctasim, waxaanan ku siganayey ina aan gaadiidka ka dhaco xadhkaha oo aad u adkaa daraadood manaan haysan  qof I qabta ilaahay baa ibad badbaadshay ilaa aan tagay gurigii muctasim, waxa la I galiyey qol dushaana laygaga xidhay, maan haysan waxaan ifsado waxaan doonay in aan waysaysto, gacanta ayaan fidiyey waxaanan lahelay weel ay biyo ku jiraan, markaasaan tukaday anigoo aan garanayn meel qy qibladu tahay, dabadeed markaan waabariistay waxaan is arkay anigoo qiblada u jeeda, markaas ayaa muctasim amray raggii I qaraaci jiray in ay bilaabaan qaraacida markaasuu muctasim yidhaahdaa:

ku adkay ilaahay gacanta ku gooye.sidaas bay isugu kay badbadalayeen ilaa aan miyir beelay, marwal oo layga yareeyo qaraacitaanka kowmada waan ka baxayey, muctasim baa kacay isagoo iigu yeedhaya wixii ay iyagu iigu yeedhayeen, markaasay qaraacidii mar labaad igu celiyeen, asuu ii yimi muctasim markaasaan garan waayey wuxuu ku hadlayo, haddana wey I garaaceen ilaa ay ka baqeen inaan dhinto, dabadeedna xadhkihii ka fureen lugahayga layna qaaday gurugaygii, dabadeedna aan soo miiraabay, dhakhtarna uu ii yimi siduu iiga jaro hilbihii dhintay una daweeyo dhaawicii I gaadhay)).

 

((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))

 

 

Lasoco…...