Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siirada Saxaabada Rasuulka (scw)

Taariikhda Asxaabiga Wayn Ee ABUU CUBEYDA BINU AL-JARRAAX Amiinkii Umada Nabi Muxamed (scw)                           Q.4AAD

Dhammaan dagaalladii jihaadka oo idil wuu ka qayb galay: Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxu kala qayb galay Rasuulka (scw) dhammaad dagaalladii dhacay laga soo billaabo maalintii uu soo islaamay ilaa uu ka geeriyooday, waana sharaf aad u weyn oo uu dheer yahay qaar ka mid ah asxaabta. Maalintii loogu magac daray “SAQIIFA” ee ahayd maalintii madaxtinimada ama khilaafada loo dooranayay Abuubakar wuxu Cumar Binu Khadaab Alle ha ka raalli noqdee ku yidhi Abuu Cubeyda “fidi gacantaada si aan kuu doorto, maxaa yeelay waxan maqlay Rasuulka (scw) oo leh Ummad kasta waxay leedahay amiin, adigana waxaad tahay ummaddan amiinkeeda”. Abuu Cubeyda wuxu ku yidhi Cumar Binu Khadaab “ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray Rasuulka (scw) inuu salaadda na tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay”. Intaa kadib waxaa baycada lala galay oo la doortay Abuubakar Assiddiiq. Abuu cubeyda wuxu Abuubakar u ahaa mid ku taageera kheyrka iyo xaqa. Sidaas ayeeyna agtooda qiimo ugu lahayn madaxtinimada iyo xukunka dadkii suubbanaa ee salafka, halka aan maanta qaar ka mid ah muslimiinta ay waxay awoodaan oo idil ugu hagar baxayaan sidii ay u heli lahaayeen kursi, ama ay u noqon lahaayeen madaxweyne iwm. Maamulladii khilaafada Abuubakar iyo Cumar wuxu Abuu Cubeyda siiyay aqbalaadda iyo daacada, isagoo aan haba yaraatee aan ku caasin ama garab marin amarkooda marka laga reebo hal jeer. Haddaba, maxay ahayd halkaas jeer ee uu Abuu Cubeyda uusan aqbalin taladii uu u soo jeediyay khaliifka ama amiirka muslimiinta. Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga Shaam, isagoo markaa ku hoggaaminayay ciidanka muslimiinta guul daba socota guul kale jeer uu gacantiisa uu Eebbe (scw) ku furo dhammaan magaalooyinka Shaam, isagoo gaaray xagga webiga barri ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga aasiyada yar-na waqooyigeeda (Turkiya). Markay halkaa mareyso, waxa gobolka Shaam si lama filaan ah uga dillaacay cudurka halista ah ee daacuunka, cudurkan oo ayna hore ugu arag dadka. Cudurkii wuxu si ba’an u safay oo u laayay dadkii degganaa magaalooyinkaas. Cumar Binu Khadaab ayaa markuu maqlay inuu cudurka daacuunka ka dillaacay gobolka Shaam, oo ay ku sugnaayeen ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Abuu Cubeyda u diray dhambaal uu ku leeyahay Abuu Cubeyda “waxan kaaga soo baahday dan aan adiga kaaga maarmi waayay, ee haddii uu ku soo gaadho dhambaalkaygan xilli habeen ah waxan kugu adkeenayaa in aanu waagu kuugu baryin ilaa aad xaggeyga uga soo safarto. Sidoo kale, haddii aad heshid dhambaalakayga maalin dharaar ah, waxan kugu adkeenayaa inaadan galabeysan jeer aad xaggeyga uga soo safartid.