|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2885 |
January 27, 2012 Rabi'al-Awal 04,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daafaha Dunida: Wax Kabaro Dalka Jamhuuriyada Argentine Dalka jamhuuriyda Finland. Dalka Finaland waxa uu ku yalaa waqooyiga qaarada Yurub waxana uu xuduudo la wadaaga dalalka Russia (Ruushka), Sweden iyo Norway. Dalka Finaland waxa kale oo uu ka tirsanyahay wadamda la isku yidhaa Scandinavians-ka oo ay isku bahaysteen dalalka Sweden, Denmark, Norwayn Iceland iyo Finland. Dalka Finland waxa kale oo uu ku jiraa ururka Midowga Yurub ee (EU). Caasimada dalka waxa la yidhaa Helsinki waxana ay ku taalaa koonfurta dalka gaar ahaan xeebta gacanka u dhexeeya dalka Estonia ee (Gulf of Finland) Bedka: bedka dalka Finland waxa lagu qiyasaa 130,128.01, oo (mayl laba jibaraan) una dhiganta 337,030.00, (kiiloo mitir laba jibaaran). Baaxada dalka Finland waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad baaxada gobolka (Montana) ee dallka Maraykanka. Dadka: Dadka ku dhaqan dalka finland waxay kor u dhaafaan 5-milyan oo ruux waana tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2010-kii. dalka Finland waxa uu kamid yahay wadamada ay hoos usii dhacayaan tirada dadka ku dhaqani waxana sanadka 2050-ka la saadaaliyay in ay dadka reer Finland gaadhi doonaan 4.7-milyan oo ruux. Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah luuqada maxaliga ah ee Finnish-ka oo ay ku hadlaan dad gaadhaya boqolkiiba 93.4%, waana luuqada rasmiga ah ee dalka lagaga hadlo. Luuqada labaad ee lagaga hadlo dalka Finland waa luuqada Swedish-ka oo dadka ku hadla lagu qiyaaso boqolkiiba 5.9%, dad tiro yar oo kalena waxa a ku hadlaan luuqada Ruushka. Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee reer Finland waa boqolkiiba boqol 100% . sidaa daraadeed waxa lagu tiriyaa dalka Finland wadamda ugu horeeya aqoonta isla markaana laga tir tiray Jahliga. Diinta: Diimaha ay kala haystaan dadka reer Finland waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Evangelical Lutheran oo ay haystaan boqolkiiba 89%, dadka reer Finland ee haysta Greek Orthodox waxa ay gaadhaan boqolkiiba 1%, boqolkiiba 9%, kamid ah dadka reer finland waa bilaadiin halka boqolkiiba 1%-na ay ka haystaan diimo kale. Cimriga: Celceliska cimriga ragga reer Finland waxa uu gaadhaa 74-sano, dumarka Finishkiina waxa ay da’dooda gaadhaa ilaa 81-sano. Dawlada: Qaab dhismeedka dowlada Finland ama habka ay u shaqaysaa waa habka Jamhuuri ah (Government Type republic). Lacagta: Lacagta laga qaato dalka Finland waxa layidhaa Euro waana lacagta wamada reer yurub ku bahoobeen. Warshadha: Warshadaha dalka Finland waxa ay soo saaraan ee lagu farsameeyo waxa kamid ah Dhismaha Maraakiibta, Waraaqaha, Cuntada, Kiimikooyinka, Dharka, Dunta, iyo diyaarinta Macdanta Koborta (Copper). Beeraha: Beeraha Finland waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin noocyada kala duwan ee Midhaha, Sonkorta iyo Baradhada. Xoolaha: dadka reer Finland waxa ay dhaqdaan xoolo ay kamid tahay Lo’da oo badanaa loo dhaqdo maalin ama in caano laga helo. Kaluumaysiguna waxa uu kamdi yahay hawlaha aadka looga isticmaalo dalka Finland. Dhulka la isticmaalo ee dalka Finland waxa lagu qiyaasaa ilaa boqolkiiba 8%. Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Finland waxa kamid ah Geedka looxaha laga sameeyo ee Timberka iyo macdanaha copper, zinc, iron ore iyo silver. |