Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mourinho Oo Sheegay In Uu Sheeko Ku Maqlay In Aan Barcelona Lagaga Badin Karin Garoonka Camp Nou

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay ka dib ciyaartii laga reebay Copa del Rey ee Barcelona ay la ciyaareen, in kooxdiisa aan marnaba loo ogolaan doonin in ay ku badiyaan garoonka Camp Nou, isaga oo sheegay in ciyaartoydiisau ay ogaadeen in ayna suurtogal aheyn. Kooxda Mourinho ayaa iska soo baday labo gool oo looga hormaray waxana ay barbaro 2-2 ah Camp Nou kula galeen Barcelona, lakiin waxa reebtay guushii lugtii hore lagag soo badiyay gudaha Santiago Bernabeu oo Barcelona ay ku soo badisay 2-1. Jose Mourinho ayaa si dadban u sheegay in ciyaartoyda kooxdiisa ay filayeen in tartankan laga saarayo, madaama go’aamada garsoorahu ay yihiin kuwa mar kasta u janjeedha dhanka kooxda reer Catalan. “Waxan ku maqlay qolka labiska in aysna suutogal aheyn in halkan lagu badiyo” ayuu u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib, markii la weydiiyay sababta ay ciyaartoydu sidaasi ugu fekerayeen waxa uu uu ku jawaabay “Iyagaa weydiiya”. Gool uu dhaliyay Sergio Ramos waa la diiday ka dib markii uu garsoorahu sheegay in uu riixay Dani Alves, waxana Ramos la siiyay casaan dhamaadkii ciyaarta, lakiin Mourinho ayaa diiday inuu dhaleeceeyo garsooraha ciyaarta. “Kama hadli doono garsooraha. Waxan halkan u nimid anaga oo rajo ka qabna in aan wareega xiga u gudbi doono. Waan ogeyn in ay dhib nagu noqoneysa, lakiin waxan la nimid in aan gaadhi karno halkaas” ayuu yidhi. Si kastaba ha ahaatee, tababaraha kooxda Blancos ayaa sheegay in uu u bartay xaalad tan la mid ah marka uu yimaado Camp Nou. “Waxan halkan kula ciyaaray Chelsea, Inter iyo Real Madrid Champions League. Arintani maaha wax igu cusub” ayuu hadalkiisa ku koobay Jose Mourinho.