Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Pep Guardiola Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Real Madrid Ka Ciyaar Fiicnaayeen Labadii Kulan Ee Copa Del Ray

Tababare Pep Gaurdiola ayaa hoos u dhigay qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ee Real Madrid ay la soo baxday kulankii lugta labaad ee Copa Del Ray, isaga oo sheegay in kooxdiisu ay aheyd kooxda ciyaarta ku saraysay 180kii daqiiqo ee ay labada naadi wada ciyaareen. Inkasta oo Madrid ay si khatar ah ku bilaabatay ciyaarta, hadana Blaugrana ayay aheyd kooxdii hogaanka ku qabatay 2-0 ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Pedro iyo Dani Alves. Si kastaba ha ahaatee, goolal jawaab celin ah oo ka yimid Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzem ayaa qeybihii dambe ee ciyaarta kiciyay ciyaarta, kooxda Jose Mourinho ayaa baadigoob xoogan ugu jiray goolka u fududayn karayay u gudubka wareega xiga. Sidaasi oo ay tahay Guardiola ayaan arag wax sidaas ah oo ay qabteen kooxdii ka soo horjeeday, kuwaas oo dhamaadkii ciyaarta 10 ciyaaryahan ku soo hadhay. “Madrid waxa kaliya ee ay sameysay wixii aan sameyn laheyn hadii aan xaladooda oo kale ku jiri laheyn. Ciyaartoyda Barcelona waxa ay soo bandhigeen quwad weyn, waanan ugu hambalyeeynayaa. Real Madrid waa koox weyn sidaasi darteed guushayadu qiimo weyn ayay leedahay. Real Madrid waxa ay ciyaartay ciyaar fiican, lakiin anaga ayaa ka fiicneyn 180kii daqiiqo ee aan ciyaarnay” sidaa waxa uu  Guardiola u sheegay suxufiyiinta  ciyaarta ka dib. 41 jirkan reer Spain ayaa sidoo kale sheegay in kulankii Arbacadii  aanu aheyn kiisii ugu walwalka badnaa intii uu Barcelona hayay, iyada oo tababarahu uu dib u eegayay kulankii La Liga ee Sevilla 2010. “Walwal kan ka badan ayaa iga soo wajahay Sevilla 2010kii. Waxan ku badineynay 3-0, lakiin waxa ay dhaliyeen labo gool, hadii gool kale la inaga dhalin lahaa waxan waayi laheyn horyalaka” ayuu hadalkiisa raaciyay. Tababarihii hore ee dayarta Barcelona  ayaa ku soo gabgabeeyay shirkiisa jaraa’id isaga oo ereyo yar kaga hadlay tababarihii ka soo horjeeday Mourinho, waxana uu diiday in uu dhaleeceeyo. “Aniga oo ixtiraam weyn u haya Mourinho. Waxan doonayaa in aan uga mahadceliyo hambalyadii uu na siiyay markii aan joognay Bernabeu”.