Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2885

January 27, 2012                                                                Rabi'al-Awal 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Alexis Sanchez Oo Dhaawac Kaga Maqnaan Doona Barcelona Iyo Xalaada Iniesta Oo La Baadhayo

Kooxda Barcelona ayaan war murugo leh ka heshay qeybteeda caafimaadka ka dib kulankii Copa del Rey ee 2-2 ay la galeen kooxda Real Madrid, iyada oo weeraryahankooda Alexis Sanchez uu soo gaadhay dhaawac . Ciyaaryahanka reer Chile ayaa ku bilowday kulankii Camp Nou lakiin waxa lagu qasbay in uu garoonka dibada uga baxo daqiiqadii 78aad ee ciyaarta markaas oo uu garabka dhulka ugu dhuftay Pepe oo  difaaca uga ciyaara kooxda Barcelona. Sanchez ayaa baadhis kale sii maray ka dib ciyaarta, waxana Barcelona ay haatan sheegtay in ciyaaryahankii hore ee Udinese uu maqnaan doono ilaa labo todobaad. Weeraryahanka ayaa seegi doona kulamada horyaalka ee ay Barcelona ugu safreyso Villarreal iyo kulanka ay gurigeeda ku soo dhaweyneyso Real Sociedad. Barcelona ayaa hore u soo sheegtay in Andres Iniesta uu isna dhaawac kasoo gaadhay kulankii Arbacadii, waxana kubadsameeyahaasi uu mari doonaa baadhis kale si loo ogaado inta uu dhaawaciisa la egyahay. Dhanka kalena waxa dhaawaca ku muqan khabiirka khadka dhexe  ee kooxda Barcelona iyo qaranka Spain André Iniesta.  Labadan ciyaartoy ee dhaawacu soo gaadhay ayaa cuslays ku haya kooxda Barcelona ee dhawaan guuldarada baday  Real Madrid.