Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2890 |
February 02, 2012 Rabi'al-Awal 10,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasiirka Britain U Qaabilsan Arimaha Africa Oo Shaaca Ka Qaaday In Badda Somalia Lagu Wareejin Doon Shirkaddo Amni Oo Ilaaliya Abu Dhabi, February 2, 2012 (W.Wararka) – Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Britain Henry Bellingham ayaa mar uu socdaal ku joogay Magaalada Abu-dhabi ee xarunta Dawladda isku tagga Emirate-ka Carabta ayaa isaga oo u waramayey Wargeyska The National ee ka soo baxa Magaalada Abu-dhabi ee ku baxa luuqadda afka Ingiriisiga wuxuu shaaca ka qaaday in Shariikado gaar loo leeyahay lagu wareejin doono ammaanka biyaha bedda Soomaalida. Mr. Bellingham wuxuu sheegay in haddaba ay Shariikadaha dhinaca ammaanku ay ka hawl-gallaan biyaha badda Soomaaliya wuxuuna ku tilmaamay qaar faa’iido badan keenay, isagoo ka jawaabayey sida loogu kalsoonaan karo shariikado calooshooda u shaqaystayaal ahi inay ka shaqeeyaan biyaha bed dal leeyahay wuxuu yidhi “Shariikadahani waxaa ku jira qaar badan oo British ah, waxaana ay ka sharciyaysanyahiin Britain, intaanay hawshani bilaabina waxaa lagu sameeyey in la hubiyo oo la eego, badankood waxaa ka hawl-galla saraakiil hore uga tirsanaa ciidamadda badda Ingiriiska, haddii ay yahiinba qaar sharciyaysan waxaan aaminsanahay inay si sharci ah u shaqaynayaan, faa’iido badana u keenayaan ammaanka gobolka iyo ka maraakiibta ka goosha biyaha bedda Soomaalida” Mar la weydiiyey sida ay u hawl-gallayaan ee ay uga shaqayn karaan sharciyan xeebaha Soomaalida badda Soomaalida wuxuu yidhi “Maalin qudha kuma dhisi kartid ciidankii badda dal dhan oo burburay, waxaanu samayn doona inaanu tababaro oo dhisno ciidan badeed oo kafaasha bedda Soomaaliya”. Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain wuxuu difaacay sharkadda kooxo calooshooda u shaqaystayaal ahi leeyihiin oo la yidhaahdo Sarecens oo heshiis la gashay maamulka Piracyland ama loo yaqaano Puntland kaasi oo dhaliyey muran keenay inay Somaliland qabatay diyaarad hub u wadday shariikadaasi “Haddii ay Soomaaliya ama gobolada Soomaalidu iyagu heshiis la gallayaan waa mid ay xor u yahiin una furan cid ka hor iman kartaana ma jirto”. |