Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2894

February 07, 2012                                                              Rabi'al-Awal 15,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dadweynaha Burco Oo Dareenkooda Ka Dhiibtay Shirka London

Burco, February 7, 2012 (Haatuf) - Ka qaybgalka Somaliland ee shirka 23/2/2012 kooxaha Somaliya logu qabanayo magaalada London ayaa tan iyo markay Somaliland todobaadkan go'aansatay in shirka lala tago talo qaran ayaa waxa aad mooda in dareenki dadweynaha reer Somaliland oo badi cabsi ka qabay raadka uu shirkaasi ku yeelan karo Somaliland inay hoos u dhacday inkasto ay jiraan dad wali iyagu ka shakisan balse markay madaxdii dalku isku racday in la tago iyagu Isha ku haya halka arimuhu ku danbeyaan, hadaba qaar ka mida dadweynaha reer Burco oo aanu wax ka waydiinay dareenkooda ayaa sidan sheegay,

Siciid  Axmed Maxamud "Inagu hadaynu nahay reer Somaliland waxa aynu nahay dad tashaday oo wax badan soo qabsaday   iminkana waxa  loo baahan yahay wixii inaga dhiman inaynu ka fa'iidaysano  waxa aynu nahay dad  khibrad  u leh arimaha Somaliya ee Caalamka ka jahwareeriyay  sidaas darteed waxa Caalamku u baahan yahay inaynu Somaliyana xog ka siino inana baahideena iyo rabitaankeena Caalamka u bandhigno, madaxdii  qarankeena ee kala duduwanana markay  arintaas darseen waxa la qaatay in  Somaliland ay dani ugu jirto shirka tagistisa, marka waxa mihim ah in shacabkuna tageeran"

 Maxamed  C/kariin Cali,ayaa isna waxa uu yidhi " ka qayb galka shirka London waxa aan u arka fursad weyn oo Somaliland u soo hoyatay oo loo baahan yahay in laga fa'idaysato sida aynu oganahayna waxa isugu imanaya dawlada waweyn oo aynu saaxib nahay wada shaqayn fiicanina inaga dhaxayso  waxana loo bahan yahay inaynu badhedhaheena ka dhibano kuwaas Konfurta Somaliya ee Dunida warerayayna runta logu sheegi lahaa"

Maxamed Axmed  Maxamed  " waxaan u arka shirkan fursad weyn oo dahabiya wayo 20 labatan sanadood ayaa waxa aynu soo wadaynay tacab arintuna marba dhinac ayay isu rogaysa mar waxaynu maraynay kooxa Somaliya yaan la hor fadhisan oo Albaabkoda ayaynu iska xidhnay mar walbana siyaasadu meel ma fadhido maanta waxa la jooga xiligi kooxa Somaliya ee xasidiinta ah aynu soo afjari lahayn Beenta ay Caalamka ku wareriyeen inana aynu u heli lahayn Citiraafkeena iyo xaqeena,marka gudihi waa laysla dhaafay ee waxa loo baahan yahay inaynu Albaabada Caalamka ka soo xidhno madama iayagana la ogaday inay yihiin dad aan wax noqon karin aana doonayn ciid wax noqota waftigeena Qaran ee shirka ka qaybgalayana waxa aan ka codsanaynaa inay la tagan shirka qorshe balaadhan oo dhamays tiran waftiguna ay isu dhamasy tirmaan siyaasiyiin iyo madax dhaqameedba"

 Casha Maxamed Faarax ayaa inayna tidhi"kooxan Somaliya in ka badan labaatan sano ayay inaga daba qaylinayeen oo ina xaasidayeen oo Albaab walba ku hawlanayeen siday inoga xidhi lahayeen Caalamkana ay been uga dharginayeen markaa mar hadi maanta beentoodi soo xidhan tay waan ku farax sanahay in shirka laga qaybgalo oo runta layno kala sheego oo inana laynagu abaalmariyo"

C/laahi C/raxmaan ayaa isna sheegay "anigu waxa aan ka soo horjeeda tagida shirka waxana u arka meel aan waxba ino Ool ee laynoga yedhinayo ajandayaal rag soo diyaarsaday"

"Waxa ay ila tahay inaynaan mar walba si cadifadyasan aynan waxa isaga dhaqaqin ee wax walba laga baaran dago ka qaybgalka shirkaas uma arko inay Somaliland waxa dani ugu jirto balse mar haday madaxdii qaranku isku raceen waynu egna waxa ka soo baxa"kaasina waxa uu ahaa Axmed Ibraahin Maxamed.