Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2899

February 13, 2012                                                              Rabi'al-Awal 21,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Hindise La Sheegay Inay U Soo Bandhigeen Dawladdo Daneeyo Arrimaha S/Land Oo Ku Taliyey In Shirka London Laga Qayb-Galo

“Cali Khaliif Shirarkii Burco Iyo Boorama Waxa Uu Kaga Qaybgalay Isaga Oo Matalaya Qaybo Ka Mid Ah Shacbiga S/Land, Hadalka Faroole-Na Wax Saamayn Ah Naguma Yeelanayo”Dr. Maxamed C/Laahi

Hargeysa, February 13, 2012 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka hadlay hindise la sheegay in xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay u soo bandhigeen qaar ka mid ah wadamada daneeya arimaha Somaliland, kaas oo ku saabsan ka qaybalka shirka London ee Somaliland.

 Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf shalay galab ku siiyey khadka tilifoonka isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, kaas oo kaga warbixiyey talooyin ay dawladdaha Ethiopia iyo Kenya uga soo jeediyeen shirka London, kuwaas oo uu sheegay inay ku dhiirgaliyeen ka qaybgalkaas ee Somaliland, isla markaana ay u soo bandhigeen fursado badan oo ku jira ka qaybgalka shirkaas.

Wasiirka Khaarajiga waxa kale oo ka hadlay hanjabaad todobaadkii hore ka soo yeedhay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland, kaas oo hadalkaas  Faroole ku tilmaamay mid aan wax saamayn ah ku yeelan Karin nabadgalyada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.

Ugu horayna Wasiirka oo ka hadlaya shirka London, waxa uu yidhi “Shirkan London ka dhacaya 23-ka bishan xaqiiqdii sida la wada ogyahay waa shir arrimaha Somalia lagu lafo-gurayo, laakiin waxa iyadana muuqata in shirkaasi uu fursad wayn Somaliland u siinayo inay ku soo bandhigto qadiyadeeda Ictiraaf raadinta iyo rabitaanka shacbiga Somaliland, waxaanan filaynaa inay tahay munaasibad Somaliland badheedhaheeda iyo waxa ay dunida ka doonayso ku soo bandhigto”.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlaya dawladdo la sheegay inay Xukuumadda Somaliland kula taliyeen ka qaybgalka shirka London,  waxa uu yidhi “Waxa run ah in wadamada daneeyo qadiyada Somaliland iyo dawladda Britain-ba ay xukuumadda Somaliland kula taliyeen inay shirkaas ka qaybgasho oo ay qadiyadayada ku soo bandhigno, talooyin badana waanu ka helnay dawladaha aanu saaxiibka dhaw nahay ee mandaqada oo ay ka mid yihiin Ethiopia iyo Kenya, aadna way u soo dhaweeyeen ka qaybgalka shirka London ee Somaliland”.

Dr. Maxamed C/laahi mar uu ka jawaabayey waxa ay xukuumad ahaan kala socdaal qoraalo la sheegay inay dawladda Somalia ay u dirtay xukuumadda Britain, qoraaladaas oo la sheegay inay nuxur ahaan xambaarsan yihiin in xukuumadda Somaliland meeqaamka ay kaga qaygalayso shirkaas hoos loo dhigo, waxaanu yidhi Wasiirku “Ma hayno anagu wararka sheegaya in dawladda Somalia ay warqad codsi ah u dirtay dawladda Ingiriiska laakiin waxa jirta oo ay dawladaha Somaliland iyo Britain isla qaateen in nidaamka ay Somaliland kaga qaybgalayso shirkaa London inuu noqdo nidaam gaar ah oo ka duwan ka Somaliland, isla markaana aan qayb ka ahayn kooxaha Soomaaliya ka jira oo waxa naloo ogolaaday inaanu rabitaanka shacbigayaga ka sheegno shirkaas oo ah mid mihiim ah, Markaa maanaan arag cid ka ashkatoonaysa sifa wanaagsan ee Somaliland ay shirkaa kaga qaybgalayso”.

Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed mar uu ka hadlayey go’aanka shirka London ay ka wada gaadheen xukuumadda, asxaabta mucaaridka iyo golayaasha sharci dajintu, waxa uu yidhi “Ogolaanshaha golaha sharci dajinta xukuumadda ku taageereen ka qaybgalka shirka London iyo taageerada ay axsaabta mucaaridka ahi noo muujiyeen waxa ay nagu beertay kalsooni badan oo nagu dhiiri galinaysa inaanu sii xoojinayo dadaaladayadii aqoonsi raadinta ee aanu aduunyada kula xidhiidhaynay. Waxaanay arintani muujinaysaa in talaabadaas lagaga qaybgalayo shirkaasi ay tahay mid muujinaysa inaynu arinta ka wada socono oo aynu si isku mid ah dhamaanteen wax u wada doonayno, markaa arintani waa isbadal hor oo ku yimid hay’adaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo xaq u leh inay xukuumadda ku taageeraan wixii ay u arkaan in danta dalku ku jirto, isla markaana wixii ay u arkaan inay gooni isku taaga Somaliland wax yeelaysana ka soo horjeedsan kara, markaa aad ayaanu u soo dhawaynaynaa fasaxaa aanu ka helnay Baarlamaanka wadanka”.

Mar uu wasiirku ka hadlayey mawqifka xukuumadda ee dhinaca nabadgalyada, waxa uu yidhi “Waxaanu xukuumad ahaan aad u soo dhawaynaynaa in qaybaha kala duwan ee bulshadda, golayaasha sharci dajinta iyo axsaabta qarankuba inay nagu garab istaagaan oo ay talooyinkooda oo ah kuwo mihiim ah ay nagu soo kordhiyaan, in ala inta suurta gal ahna diyaar ayaanu u nahay inay nagala qaybgalaan hay’adahaas iyo axsaabtuba shirkaas oo ah mid aanu jecelnahay inuu muujiyo isku duubnida bulshada Somaliland”.

Dr. Maxamed C/laahi oo jawaabayey hadalo ka soo yeedhay Madaxwaynaha Maamulka Garoowe, waxa uu yidhi “Deegaanada gobolka Sool ee uu ka hadlay Faroole waa deegaano waligoodba Somaliland ka tirsanaa, waana deegaano wakhtigana ka tirsan oo waa dhul Somaliland ka tirsan oo caalamkuba wada ogyahay. Dadka ku nool goboladaasna waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo aanaan ogolayn in wax la yeelo oo aanu masuul ka nahay, Hadalka ka soo yeedhay Madaxwaynaha Maamulka Puntland Mr. Faroole waxaanu u aragnaa mid aan waxba yeeli Karin xasiloonida iyo isku duubnida bulsho-waynta Somaliland, waxaananu ugu baaqaynaa in nabadgalyada mandaqada iyo jaarnimada la wada ilaaliyo, waxaana xukuumad ahaan waajiib naga saaran yahay inaanu ilaalino xasiloonida iyo amniga bulshadayada ku dhaqan gobolada Sool iyo Buuhoodle. Waxaananu jecelnahay inaanu waxkasta oo tabasho ah oo jira aanu wada hadalo kala yeelano cida ay khusayso, cid nagula gorgortami karta hal Mitir oo ka mid ah dhulka Jamhuriyada Somaliland”.

“Waxa la wada ogyahay inaanay Somaliland waligeed diidin wada hadal iyo wixii tabasho ah ee jira la isla falanqeeyo oo la saxo, isla markaana waxa iyadana aan la qarin Karin in xukuumadda Somaliland iyo shacbigeeduba ay yihiin dad nabada jecel oo  wixii khilaafaad ah ee jirana ay ka go’an tahay in nidaambka nabadgalyada ah ee Somaliland caanka ku tahay in lagu dhameeyo, waananu soo dhawaynaynaa cidkasta oo rabta wada hadalo. Cali Khaliif Galaydh markii uu shirkii Burco joogay iyo markuu kii Boorama joogayba intaba waxa uu kaga qaybgalayey isaga oo matalaya beel ka mid ah beelaha Somaliland, maanta-na ma jirto cid ka hortaagan cidii khilaafkooda wada hadal ku dhamaynaysa, laakiin qadiyada Somaliland waa mid aan gorgortan lagu gali Karin, isla markaana waxa hubaal ah in Jamhuriyada Somaliland ay ka jirto dal kaliya iyo dawlad kaliya, go’aanka shacbiga Somaliland-na waa lama taabtaan”.