Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2903

February 17, 2012                                                            Rabi'al-Awal 25,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxdhaqameedyada Woqooyiga Iyo Galbeedka Hargeysa Oo Shahaado Sharaf  Gudoonsiiyay Maayarka Gabiley

Hargeysa, February 17, 2012 (Haatuf) - Madaxdhameedyada deegaanbka woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ayaa shalay Shahaado sharaf gudoonsiiyay Maayarka degmada Gabiley marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ay ku maamuuseen waxqabadka iyo horumarka balaadhan ee muddadii ay xilka haysay ay gaadhsiisay degmadaasi, gaar ahaan Jidadka cusub ee Laamiyada, dhismayaasha cusub ee lagu kordhiyay xarunta dawlada hoose.

Salaadiinta Maayarka Gabiley marwo khadra Xaaji Gaydh gudoonsiiyay shahaado sharafta waxqabad oo ka mid ah Salaadiinta beesha Sacad Muuse ayaa kala ah Suldaan Xiise Barre, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle iyo Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, iyagoo sidoo kalena kula dardaarmay inay dadaalkeeda halkaa ka sii wado, isla markaana dulqaad u yeelato gefefka kaga yimaada dadka qaarkii.

Munaasibada shahaadada ay ku gudoonsiiyeen madaxdhaqameedyadaasi oo shalay lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee Gabiley ayaa waxa ka soo qaybgalay badhasaabka gobolka Gabiley Xuseen Yuusuf Magan, Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Caaqil Maxamed Cabdi Ciidle, Caaqil Maxamed Xasan iyo gudoomiyaha xisbiga Kumiye ee gobolka Gabiley Amiin Muuse.

Maayarka Gabiley marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa iyaduna xafladaasi ka sheegtay inay ku faraxsan tahay shahaadada la gudoonsiiyay, waxaanay cadaysay in dadaalkeeda ay halkaa ka sii wadi doonto.