Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2907

February 22, 2012                                                            Rabi'al-Awal 29,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Badhasaabkii Hore Ee M/JeexOo Ka Dayriyey Cashuurta Badan Ee Berbera Looga Haajiray, Tilmaamayna Hadii Shacabka Loo Jabiyo Cashuurta In Dhaqaale Badan Soo Xeroon Lahaa

“Maamulka Majeerteeniya Miisaaniyadoodu Waa Dhawr Iyo Afarta Milyan, Teenuna Meelahaas Ayey Cago-Cagaynaysaa, Ma Naqaano Inagu Sida Lacag Loo Sameeyo, Sababta Oo Ah Waxa Caqliga Saliimka Ahi Garan Karaa Hadii Reer S/Land Loo Jabiyo Cashuurta Inay Dhaqaale Badan Soo Xarayn Lahaayeen” M. Da’ud

Hargeysa, February 22, 2012 (Haatuf) – Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa sheegay in Maamul goboleedka Puntland uu ku soo jiitay gobolada Bariga Somaliland ee Togdheer, Sool iyo Sanaag cashuur jaban oo ay ka qaadaan Badeecadaha ka soo daga dekadda Boosaaso, halka dekeda Berbera ay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland ay cashuur badan ku soo rogtay Badeecadaha laga soo dejiyo, taas oo keenaysa hoos u dhac ku yimaada Dakhliga dawladda ka soo gala Dekeda Berbera.

Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa sidaasi ku sheegay waraysi uu Wargeyska Haatuf siiyey,  ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafkii kala irdheeyey xisbigooda UDUB, kaas oo tilmaamay in mudadii uu Guddoomiyaha xisbigoodu Mr Rayaale uu maqnaa go’aamadii ay gaadheen ay yihiin kuwo sharciya, isaga oo sidoo kale xusay inay ka filayaan Guddoomiyahooda inuu raaco aqlabiyada xisbigu meesh ay martay.

Badhasaabkii hore ee Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay shirka London ka furmaya Barita oo taariikhdu tahay 23-ka bishan, kaas oo sheegay inaan la garanayn waxa ka soo bixi doona, socdaalkii axsaabta mucaaridkan ku tilmaamay inay yihiin Markhaatiyo cadeeya xaqiiqada dhabta ah ee ay kala kulmaan Shirkaas.

Ugu horayna isaga oo ka hadlay Cashuurta badan ee dekeda Berbera looga Haajiray dhinaca Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu yidhi “Goboladaasi waa kuwo aynu inagu hadiyad u bixinay oo aynu C/laahi Yuusuf hadiyad u siinay, hadii aad taariikhda dib ugu noqotaana maalinta aynu saddexdeena gobol ee bariga hadiyada ku bixinay ee ay Puntland-na samaysan tahay waa maalintii intaynu Kastamadeena ku wareejinay alaab badan, isla markaana y wixii Berbera ka soo daga cashuurta badan ku soo rognay, iyaguna ay inala jaadleeyeen oo ay intaynu wax ku cashuuraynay ay Rubaceed ay cashuurtii ka dhigeen. Talaabadaa uu C/laahi Yuusuf qaaday maalintaasi waxay ku jiiteen dadkeenii gobolada bariga oo dhan, maalintaas ayeynu saddex gobol ee bariga hadiyad u bixinay, marka dadkeenii ay Dekadahoodii wax kala soo dagaan ee ay cashuurta halkaas ku xidhmaan ee ay Koontara-baan istaadhaana lacagta goboladaas galaysaa waa lacagtoodii ee maaha teena. Markaa marka dhaqaaliyan laguu hogaaminayo siyaasiyana waa laguu hogaaminayaa, markaa hadii dalkan rajo laga damacsan yahay Cashuurta dadka ha loo jabiyo oo ha la soo jiito dadkeena ganacsatada ah ee gobolada bariga ilayn qof waliba meesha uu wax jaban ku arkayo ayuun buu wax kala soo dagayaaye.

Maanta Maamulka Majeerteeniya Miisaaniyadoodu waa dhawr iyo afarta Milyan oo Doolar teenuna meelahaas ayey cago-cagaynaysaa, markaa ma naqaano inagu sida lacag loo sameeyo, sababta oo ah waxa caqliga saliimka ahi garan karaa hadii bulshadda reer Somaliland loo jabiyo cashuurta inay dhaqaale badan soo xarayn lahaayeen”.

S: Waxa waftiga Madaxwaynaha ka mid ah Axsaabtii mucaaridka iyo xubno golayaasha Sharci dajinta ka socda, arintaasi miyaanay ahayn mid Caalamka Somaliland ay ku soo jiidan karto?

J: Axsaabta Qaranka ee shirka ka qaybgalaysaa waa Markhaati uun, waxaanad moodaa in shirkan si wayn loo buunbuuniyey oo dadka qaar waxa ay ka shakiyeen waa maxay waxan la wadaa ee keentay in xataa axsaabtii mucaaridku ay tagaan shirkaas ilayn markii hore xukuumada ayuun baa ka qaybgali jirtaye. Waxay arintaasi u eegtahay in xukuumadu eed ka carar ay tahay oo ay isleedahay ha lagula wadaago wixii ka soo baxa, guul iyo guuldaro-na waxay noqonaysaa wax ku shaambadaysay oo bari taariikhda gali doonta xiligii uu Somaliland Madaxwaynaha ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayey arintaasi dhacday, markaa faa’idada arintaas iyo faa’ido darideeduba isaga iyo xukuumadiisa iyo xisbigiisa waa arin taariikhda u galaysa. Markaa hadii xukuumadda maantu ay dunida xaqiiqda halkan ka jirta u bandhigto oo ay tidhaahdo waar nimanka 20 sano oo xaq daro ah na xukumayey ay xoog ku haysatay wakhtigii dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre, isla markaana dadka xoog ku haystay oo xukuumad sharci ah oo shacbigu soo doorteen oo ay hogaaminayeen AHN labadoodaba Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo C/rashiid Cali Sharmaarke inqilaabay, oo 20 sano oo kale oo xaqdaro ahna aanu u cadilanahay caalamku ha naga furfuro oo ha nakala furdaamiyo hadii Madaxwayne Siilaanyo yidhaahdo wax badan ayaa is badali lahaa. Markaa waa in la yidhaahdo waar nimankan koonfur fadhiyaa waa rag mamay oo dunidii Budhcad-badeed ku noqday oo Caalamkii jaqaaq kaga siiyey ha la soo baro sida la isku maamulo oo anaguna waanu kala tagnaye waxaanu xaqa u leenahay aanu idinka helno cidi inoo diidi kartaa ma jirto, waana ta loo baahan yahay inuu Madaxwayne Siilaanyo halkaas ka jeediyo halagu kala kaco shirkaasbee.

Imika nimanka sidaas ah dawlad ayaa loo dhisayaa oo Distuur ayaa loo ansixinayaa oo 4.5 inaynu wax ku qaybsano ayaa loo ansixinayaa oo 18 gobol oo xaaraan ah oo Siyaad Barre jeebkiisa ka soo saaray ayaa la doonayaa in loo sharciyeeyo oo ay ku hadaaqayaan, waxa wax walba ka daran Masuuliyiinteena dalkan xukuma oo aan garanaynba Taariikhdii dalkan oo iska odhanaya Sool iyo Sanaag, dadka anagaa runta u sheegaynee ma jiraan wax Sool iyo Sanaag la yidhaahdo waxa jira Ceerigaabo iyo Laascaanood, kuwaas oo ah laba Degmo oo aynu laba gobol ka dhignay oo Ingiriiskii inagaga tagay. Markaa hadii aad adigu afkoodii iskaga hadaaqdo waa dhibaato, imika hadii aad aragto dacaayadaha la inoo sameeyey iyo sida Map-keena ay shirkadaha Isgaadhsiintu u kala jarjareen oo qaybo badan oo ka mid ah Dhulkeena Map-ka laga saarayba, markaa wax inagu socda Qas Cilmiyeysan oo ay inagu wadaan nimankii reer Xamar ee aynu ka go’nay oo dadkeeniina aanayba ka warqabin Taariikhdeenaa la aasayo. Madaxwaynahana waxaan xasuusinayaa oo aan leeyahay Fule xantii ma moogee isaga iyo Group-kan la joogaba waa la xamanayaa oo waxa lagu xanto way ogyihiin markaa Goodirka ha ina tusaan oo wax sharaf leh oo Milgaha iyo sharafta Somaliland u qalma halkaas ha ka soo dhaliyaan.

S: Waftiga Somaliland ee ka qaybgalaya Shirka London xisbigiina UDUB waxa idiin matalaya Guddoomiye ku xigeenkiina Axmed Yuusuf, Guddoomiyihiina Daahir Rayaale-na waxa uu sheegay inaanu xisbiga ku matalin Axmed Yuusuf Yaasiin Shirkaa, arintaasi siday kuula muuqataa adiga?

J: Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin waa Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen labaduba waa laba nin oo aniga ii Madax ah markaa aniga Fikirkayga gaarka ahi waxa uu ahaa Maadaama uu Guddoomiyaha xisbigu maqnaa inuu Ixtiraamo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga iyo wixii qabsoomay mudadii uu maqnaa, markaa maadaama oo uu hada yimid Guddoonka xisbiga inuu wado sharciga ayaa u baneeyey, laakiin waxaan jeclaa Daahir Rayaale inaanu ka hadal socdaalka Axmed Yuusuf Yaasiin oo halkaa ku daayo ayaan jeclaa waayo ninkani Guddoomiye ayuu ahaa isaguna wuu maqnaa markii wixii uu qabtay inuu ku ixtiraamaa way fiicnaan lahayd. Markaa arintaasina wax xisbiga u dhimi mayso oo bina-aadamka oo dhan ayaa khaldama oo marka danbe isku garaaba.

S: Daahir Rayaale waxa uu waxba kama jiraan ku sheegay Doorashadii aad Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen u doorateen Musharaxa xisbiga UDUB ee doorashada soo socota, arintaasi ma kuula muuqataa mid xalinkarta khilaafka kala irdheeyey xisbigiina?

J: Marka aad doonayso inaad dawayso khilaaf jiray waxa qurux badan inaad ka fogaato arin khilaafkii hore u jiray cirka ku sii shareeraysa, isla markaana wadooyin badan oo kale oo wax lagu dawayn karo ayaa jira oo UDUB waxa ay can ku ahayd isku tanaasul oo xukuumadii hore ee UDUB wax badan ayey hore ugu tanaasushay xisbiyada mucaaridka ah. Hadii maalintii Ina Rayaale furi lahaa ururada waxaan qabaa in labada xisbi ee kalaba la waayi laha ama ay diciifi lahaayeen sida kuwan maanta jira, waliba anigu waxaan ka mid ahaa qoladii fur lahayd ee ururkii Qaran ka tirsanayd, Markaa Rayaale Kulmiye iyo UCID ayaa u tanaasulay oo hadii ururada markaa lagu furi lahaa Kulmiye hawada ayaa laga daydayi lahaa. Markaa dawladii Rayaale waxay ahayd mid ku caanbaxday isku tanaasul oo nimanka dawlad dhan aayar si qurux badan u wareejiyey ila ahaa inay isku qabsan doonaan Musharax, waxaan rajaynayaa in arintaasi siday tahay loo dhamayn doono Insha Allaah.

S: Hadii Guddoomiyihii xisbigu uu buriyey Musharaxnimadii Jamaal Cali Xuseen sideed Sharciga xisbigiina u waafajinaysaan?

J: Arintaas marar badan ayaan ka hadlay oo aan shirar Jaraa’id oo aan qabtayna waan kaga hadlay, wax alaaliyo waxkasta oo noo qabsoomay mudadii uu maqnaa Guddoomiyaha xisbigu waxaan leeyahay waa sharci oo sharciga ayey waafaqsan tahay. Walaaladayda aanu isku xisbiga nahay ee maalinti aanu shiraynay isku dayey inaanu Kooramku noo buuxsamin oo iyagu arinyar hoosta ku haystay, isna yidhi arintaasi idiinka suurta gali mayso meeshaas markaasay is yidhaahdeen Kooramka ha buuxinina. Hadii aan afka ku dhufto Saaxiibkay Cali Warancade diyaar umuu ahayn Shuruudihii gudida fulintu u dhigtay Murashaxa oo lacagtii markaa way ka maqnayd isaga oo hada uu isagu gacantiisa ku saxeexay oo uu leeyaha waxaan balanqaadayaa inaan lacagtaas $300,000  ku soo xareeyo mudo 15 cisho ah run ahaantii maalintaas lacagta muu haynin markaas ayuun bay isku yidhaahdeen Kooramka ha  buuxinina, isla markaana waxay isku dayeen oo ay dagaal ka galeen inaanu buuxsamin Kooramkaas, markaa waa Ilaahay mahadii oo Kooramkiina sidaas ayuu noogu buuxsamay, markuu buuxsamayna Murashaxii calafka ku lahaa ayaa la ansixiyey. Hadii Warancade iyo ay buuxiyaan shuruudaas uu gacantiisa ku saxeexay waxay ila tahay in labada Musharaxba la ansixin lahaa oo shirwaynaha la hordhigi lahaa markaas mid ayuun baa soo hadhi lahaa, kaas soo hadha ee Musharaxa dhabta ah noqda ayuun baana lacagtiisa xisbigu isticmaali lahaa. Guddoomiyaha xisbiga ee yimid waxa aanu ka filaynaa inuu arimahaas oo dhan ka odayeyn doono oo uu raaci doono meesha ay aqlabiyada xisbigu raacdo, isla markaana uu sharciga iyo qaynuunka ugu soo dabaali lahaa saaxiibadaydaa kale ee Cali Warancade hogaaminayo.

S: Dhawaan markii aad socdaalka ku tagteen gobolada bariga ma Lacagtii Musharaxa aad doorateen uu bixiyey ayaa isticmaalayseen?

J: Lacagtaas markii uu saxeexay ayey xilkeedii ka wareegtay oo waa lacagtii xisbiga imika oo waa sharci inuu xisbigu isticmaalo oo uu hawlihiisa ku qabsado. Cali waxa uu ku doodi jiray lacagtii waan hayaa ee Acount ii gaar ah ayey ku jirtaa, Acount u gaarka ah yaa xukumaya, nin waliba Acount gaar ah ayuu leeyahay oo anigaba Acount-kayga waxa iigu jirta cid ogi ma jirto, markaa maalinta aad saxeexdo ee lacagtaasi ay Acount-kii xisbiga ku dhacdo waa wax farahaaga ka baxay, markaa lacagta Murashaxa xisbigu bixiyey waa mid sharci ah oo la isticmaali karo.

S: Siday kuulama muuqdaan xaaladaha ka taagan bariga Somaliland S: Xaaladda aad ku soo aragtay deegaanada bariga Somaliland markii aad socdaalka ku tageen waa side?

J: Mudadii aynu la dagaalamaynay Kalidii taliyihii Siyaad Barre ayaa dadkeena burbur badani dhinac walba kaga dhacay haday ahayn lahayd xaga aqoonta iyo xagwalba, dhibaatooyinkaa inagu dhacay waxa ka faa’idaystay ragii reer Xamar ee ay wax walba u qaateen oo ay dhulkoodii Koonfurta oo dhan ay dhisteen. Waxaad ka yaabaysaa oo aan ka naxay maalin dhawayd oo aanu bariga u baxnay waxaan maray meel la yidhaahod Shalcaw oo Berbera woxogaa u jirta waxaananu marnay dhinacan Xeebta oo Xiis iyo Maydh ayaa xagan bariga ka soo xiga waana meesha ay ka yimaadeen Madaxwaynaheena iyo Wasiiradii Maaliyada ee ugu badnaa ee Somaliland, waayo Wasiiradeena Maaliyadu marka laga soo bilaabo wakhtigii Marxuum Cigaal (AHN) waxa ay u badnaayeen goboladaas bari, hadana waxaan ka naxay Lacagta ka socotay Shalcaw oo ahayd tii C/laahi Yuusuf, oo Xiis iyo Maydh ayaan tagay oo ay lacagtii C/laahi Yuusuf ka socoto oo Ceerigaabo ayaan tagay lacagtii C/laahi Yuusuf ayaana ka socota. Dhamaan arimahaas oo dhani waa Fadeexad cad oo aynu huursanayno, anigu ma lihi dawladan ayaa khaladka leh ee waxaan leeyahay dhamaan dawladihii dalka soo maray oo dhan waa Fadeexad ay wada jir u wada leeyihiin ilaa taayadii Ina Rayaale, markaa waxaan u arkaa inay tahay Fool xumo wayn iyo ceeb wayn oo Somaliland saaran.