Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2911

February 27, 2012                                                         Rabical Thani  05,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

2 Wariye Oo Lix Maalmood Jeelka Dhexe Hargeysa Ku Xidhnaa Oo Xoriyadoodii Dib U Helay

“400 Maxbuus Oo Jeelka Dhexe Ee Hargeysa Ku Xidhan Ayaa La’  Masaajid Ay Ku Tukadaan” Xasan Cumar

Hargeysa, February 27, 2012 (Haatuf) – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa shalay xoriyadoodii dib ugu soo celisay Agaasimihii Maamulka ee Wargeyska Ogaal Xasan Cumar Xasan iyo Wariye Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan shabakada wararka ee Ramaas, kuwaas oo mudo lix maalmood ah u xidhnaa Warar ay baahiyeen.

Labadan Wariye oo lagu xidhay amar ka soo baxay Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), isla-markaana muddo lix maalmood ah ku xidhnaa ayaa sheegay in Sii dayntooda ay kaalin mugle ka qaateen qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlada Somaliland, xildhibaano iyo ururka saxafiyiinta Solja iyo waliba waxgaradka dalka qaarkood kuwaasi oo u guntaday sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen.

Agaasimaha Maamulka ee Wargeyska Madaxabanaan ee Ogaal Wariye Xasan Cumar Xasan oo mudo lix maalmood ah u xidhnaa War uu baahiyahay Wargeyka Ogaal, kaas oo xalay wargayska Haatuf kula soo xidhiidhay Khadka Tilifoonka, kagana waramay xaaladii ay ku sugnaayeen mudadii ay xidhnaayeen, isla markaana u mahad celiyey cidkasta oo ka qaybqaadatay in xoriyadooda ay dib u helaan. Xasan Cumar isaga oo arintaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Marka koowaad Ilaahay ayaa Mahad iska leh dhamaanteed, mar labaadka waxaan u mahad celinayaa Wargeyska Haatuf, waxa walaal nala xidhay 20-kii bishii labaad ee sanadkan oo aanu xidhnay mudo todobaad ah. Waxa nalagu xidhay oo aanu xabsiga ku galay war aanu ka qornay oo ku saabsanaa ciidamo ka soo dagay xeebaha galbeed ee Somaliland, warkaas oo aanu ka soo xiganay shabakada wararka ee Ramaasnews. Markaas ka dib ayuu Wasiirka Arrimaha Guduhu noo yeedhay oo uu yidhi waxaan doonayaa inaad cadaysaan warkaas, anaga oo tashigii ku jirna oo waxa aanu ka yeeli lahayn arintaas ka tashanayna ayuu Wasiirku na yidhi waad xidhan tihiin, xadhigaas oo aanu noogu soo marin dariiqii sharciga ahaa, isla markaana aanay jirin wax Waaran Maxkamadeed oo nalagu xidhay”.

Xasan Cumar Xasan isaga oo ka hadlaya warka xabsiga loogu taxaabay, waxa uu yidhi “Siday doonto ha u dhacdee cid kasta oo warkaa Wargeysku qoray dhibsatay ama ka xumaatayba waanu ka raali galinaynaa, hadii aan inyar ka xogwaramo xadhigayagii waxa aanu ku xidhnay mudo 2 maalmood ah xarunta CID-da ee Hargeysa, markaas ka dib ayey Maxkamadu waaran todoba cisho ah noo soo jirtay, markaas ayaa naloo dhaadhiciyey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa”.

“Waxa nalagu soo daayey maanta markii xukuumadda, xeer ilaalinta iyo anaga uu is afgarad dhexmaray aniga iyo wariye Maxamed Boosh, arintu sidaas ayey u dhacday, waxaanan halkan uga mahad celinayaa Xildhibaanadii iyo Odayaashii ka qaybqaatay soo dayntayada iyo Saxaafada Somaliland, waxa kale oo aan sidoo kale aad ugu mahad celinayaa ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo si wayn uga qaybqaatay soo dayntayada”.

Agaasimaha Maamulka ee Wargeyska Ogaal mar uu ka hadlayey waxa ay kala kulmeen Jeelka Dhexe Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa inaan Jaaniskan uga faa’idaysto maxaynu kala kulanay Jeelka wayn Hargeysa ee aanu ku xidhnayn mudada dhawrka Maalmood ah, ugu horayn waxa aan aad ugu mahadnaqaynaa Taliyaha Jeelka Dhexe ee Somaliland Cumar Siciid Cali, kaas oo si aad iyo aad u qiimo badan noola dhaqmay noona tixgaliyey mudadii aanu halkaas ku xidhnayn. Waxa kale oo aan jeclaa inaan iyadana waxyar ka xuso baahiyo ka jira xabsiga dhexe ee Somaliland oo run ahaantii aad looga shaqeeyey loona qalabeeyey, laakiin baayiha ka taagan xabsiga dhexe ee aan soo aragnay waxa ka mid ah Waxbarasho la’aan sababta oo ah Jeelkaas waxa ku xidhan ilaa 400 Maxbuus oo ka ugu yari ku xukuman yahay 6 bilood ka ugu badanina Madaxaa ha ku furto (Xabsi Daa’im), markaa Wasaarada Waxbarashada waxaan ugu baaqi lahaa inay arintaas ka hawlgalaan. Waxa kale oo aan baaq u diri lahaa Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo aan leeyahay Goobtaas ma jiraan Masaajid lagu tugado oo waxaad moodaa inaan markii hore loogu talo galin Masaajid ay Maxaabiistu ku cibaadaystaan ha loo sameeyo”.

Dhinaca kale Wariye Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo isagu ka tirsan Ramaasnews ayaa isaguna mar uu xalay Haatuf uga waramayey xaalada dhabta ah ee ka taagan Jeelka Hargeysa, ka dayriyey xaaladda Jeelka dhexe ee Hargeysa, kaas oo sheegay in nadaafadiisa iyo amniguuse si wanaagsan looga shaqeeyey laakiin ay ka taagan yihiin baahiyo aad u waawayn.