Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2753 |
August 26,2011 Ramadan 26,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Laba Qof Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Ka Qaraxday Ilaaladda Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Masaajid Ay Ku Wada Tukanayeen Salaada Taraawiixda Hargeysa, August 26, 2011 (Haatuf) – Laba Qof ayuu dhaawac ka soo gaadhay Rasaas ka qaraxday ilaalada Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani xili ay xalay cawaysinkii Salaada Taraawiixda ku tukanayeeen Masaajidka Ibraahim Dheere ee magaalada Hargeysa. Labadan nin ee ku dhaawacmay Rasaaska ilaalada Taliyaha Ciidanka Qaranka oo magacyadooda la kala yidhaahdo Jaamac Cashuur Cali (Jaamac Waraabe) oo ay xabadu ka haleeshay Kuraanta bidix ee lugta xili uu salaadka Taraawiixda ku tukanayey Masaajidkaaasi, ayay sidoo kale Cumar Jaale ay isagana kaga dhacday jilibka hoostiisa, isla markaana wax yar ka dib loola cararay dhaawacyadooda Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagula tacaalayo daaweyntooda. Labadan nin ayaa markii ay xabadu ku dhacday dad goob joog ahi ay Haatuf u sheegeen in xabada ku dhacday ay ka dhacday Baaskoolad uu sitay mid ka mid ah ilaaladda Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Islaamiic Taani oo la sheegay in taliyaha Laftiisu uu ku tukanayey Taraawiixda Masaajidkaasi. Baastoolada Rasaastu ka dhacday ayaa la sheegay inay cabaysnayd oo xabadi Dhuunta taalay, taas oo markii ay qaraxday ku soo horaysay Cumar Jaale, isla markaana ay markii danbe haleeshay Jaamac Waraabe oo rukuucsan. Waa markii ugu horaysay ee shil noocan oo kale ahi uu ka dhex dhaco masaajid xili salaad lagu jiro. |