Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2755 |
August 29,2011 Ramadan 29,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Muwaadiniin Iyo Hay’addo Xarunta Agoomaha Hargeysa Soo Gaadhsiiyey Deeqo Kala Duwan Iyo Agaasimaha Xaruntaas Oo Ganacsatada Baaq U Dirtay Hargeysa, August 29, 2011 (Haatuf) – Muwaadiniin iskugu jira qurbo joog iyo kuwa dalka ku sugan aya shalay Xarunta agoomaha ee caasimadda Hargeysa gaadhsiiyey mucaawimooyin kala duwan oo iskugu jira Dhar, Kabo, Agabka caruurtu ku ciyaarto, Raashin iyo Xoolo loogu talo galay in Ciida loo qalo caruurtaas. Muwaadiniinta iyagu soo xasuustay caruurta agoomaha ah, isla markaana mid waliba karaankiisa wixii caawimo ah ee uu ugu talo galay guddoonsiiyey agaasimaha xaruntaas Marwo Caasha Maxamuud Qaalib ayaa waxa kale yihiin C/raxmaan Maxamed Nuur oo ah maamulaha shirkadda Al-Nuur oo isaga la sheegay inuu kafaalo qaaday dharka ciida ee caruurta agoonta in Ciidkasta uu isagu diyaar ula yahay inuu u keeno, Xasan Waraabe Cadde oo isaguna ka mid ah qurbo jooga reer Somaliland ah, Aamina C/laahi Kaahin (Aamina Kidhmister), hay’adda Al Makhtuub Foundation oo ah hay’ad Dubai ka socotay iyo hay’adda Camuud Foundation oo dhamaantooda soo gaadhsiiyey xaruntan shalay caawimooyin kala duwan. Dhinaca kale Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasha Maxamuud Qaalib ayaa u mahad-naqday muwaadiniinta iyo hay’adaha deeqda soo gaadhsiiyey xaruntaas, isla markaana baaq u dirtay ganacsatada reer Somaliland inay soo xasuustaan caruurta agoonta ah ee xaruntaas, ee u baahan in la daryeelo, isla markaana sheegtay inaanay dawladda oo kaliya ku helayn balse ay waajib saaran tahay muwaadin kasta oo reer Somaliland oo awoodi kara inuu taageero ka gaysto xarunta. Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasha Maxamuud Qaalib waxa ay sidaas ku sheegtay mar ay shalay Haatuf xafiiskeeda xogwaran khaas ah ku siiyey, ugu horayna iyada oo ka hadlaysa shakhsiyaadka iyo hay’addaha soo gaadhsiiyey xaruntaas deeqaha, waxay tidhi “Waxa jira dad badan oo ahmiyad soo siiyey Xaruntan oo caruurtan soo caawiyey, dadkaas waxa ka mid ah C/raxmaan Maxamed Nuur oo haysta Shirkadda Al-Nuur oo isagu ku tabarucay uguna deeqay caruurtan dharkii Ciida dhamaantood mid yar iyo mid waynba. Dharkan uu C/raxmaan Maxamed na soo gaadhsiiyey waxa ay ka kooban yihiin shaadhkii, surwaalkii ilaa kabihii, waxaanu dharkaa tiradooda ka soo dhigay 509 caruur ah dharkii iyo kabihii ay ku ciidi lahaayeen, taas oo ka badan ba’a caruurta lagu xanaaneeyo xarunta agoomaha ee Hargeysa. Waxa kale oo iyaganu na soo xasuustay qolo Sucuudiga joogta oo dumar ah, kuwaas oo ay u madax tahay soona abaabushay inan la yidhaahdo Rooda Maxamed Cali, waxay iyaguna soo direen dharkii Ciida 4 shandadood iyo kartoon ay ku jiraan alaabtii caruurtu ku ciyaaraysay. Waxa iyaduna maanta oo ay bishu tahay 28-kii August 2011 noo timid Aamina C/laahi Kaahin (Aamina Kidhmister) oo iyada iyo odaygeed Cabdi Haybe Maxamed-na soo gaadhsiiyeen 6 xool iyo lixdoodii saladood ee yaryaraa iyo lixdoodii furaash. Waayo waxa aanu doonaynaa inaanu aqalo u gaar ah u samayno caruurta yaryar, markaa Aamini C/laahi hore ayey noogu timid, isla markaana waxa ay na waydiisay baahidayada, anigaa markaa u sheegay oo ku idhi Xoolalka caruurta ayaanu aad ugu baahanahay. Waxa kale oo isaguna maanta ii yimid Xasan Waraabe Cadde oo isaguna ka mid ahaa ciyaartoygii hore ee Somalia imikana ah xubin firfircoon oo aad uga caan ah ciyaartoyga Yurub iyo Somaliland-ba, isla markaana Ciyaartoy badan oo reer Somaliland ah soo saaray, inta badana dhalinyarada wadanka ugu tabaruca dharka ciyaaraha, kubada iyo kidka ciyaartoydu u baahan yihiin oo dhan. Xasan Waraabe Cadde maanta waxa uu halkan igu gudoonsiiyey 5 Neef oo Adhi ah oo Ciida loo qali doono caruurta, waxaanu bixiyey xataa khudradii caruurta maalintaas loogu darayey qadada oo $120 ah iyo 8 jawaan oo bariis ah iyo liintii la cabayey oo iyo nacnacyadii caruurta. Waxa kale oo uu Xasan I gudoonsiiyey hal dirays oo uu ugu talo galay kooxda kubada cagta ee ugu da’da yar xaruntan oo run ahaantii ay u noqonayso niyad dhis iyo inay kaga gaashaantaan balwadaha caruurteena la hadhay, waxa kale oo uu maanta iyagana jaa’isado gudoonsiiyey laba Team oo wada ciyaaray oo koox xarunta ka mid ah iyo koox kale oo ciyaartoyga yar yar ee xaafadda Jigjiga ka mid ah oo magacooda la yidhaahdo Jaban, labadan kooxood oo shalay koob kala qaaday, isla markaana nasiibku guusha siiyey kooxda Jaban, waxaanu kooxdaa gudoonsiiyey Koobkii ay qaadeen, kooxdii xarunta ee kaalinta labaad gashayna waxa uu gudoonsiiyey dirays iyo qalab kale. Xasan Waraabe Cade isaga ayaa aakhiro iska leh tabarucan, waayo waajibka inaga saaran ubadkeenan waa inaynu xasuusano qof kastaana wixii karaankiisa ah uu ku taro. Shalayna waxa la ii keenay raashin badan oo ay na soo gaadhsiisay hay’adda Al Makhtuub Foundation oo ah hay’ad Dubai ka socotay oo aan u malaynayo inuu leeyahay boqorka dalkaasi. Hay’adda Al Makhtuub Foundation waxa ay keeneen 100 haaf oo bariis ah iyo 20 jawaan oo sonkor ah iyo saliid. Waxa kale oo aan jeclahay inaan xuso hay’adda la yidhaahdo Camuud Foundation oo ah hay’ad dibada ka aas aasantay oo laakiin maanta ah hay’ad Somaliland iyo Somalia-ba iyo meel wal oo ay Somali dagtaba wax tarta oo iyaduna raashin ii keentay ayaan iyadana jecelahay inaan xuso. Dhamaan dadkaas oo dhan inta aan xusay iyo inta aanan xusinba waxa aan uga mahad celinayaa xasuusta ay na soo xasuusteen”. Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasho Maxamuud Qaalib mar la waydiiyey in dadkani ay yihiin kuwo wakhtiyada Ciida oo kaliya soo xasuusta xaruntan iyo in kale, waxa ay tidhi “Xaqiiqada marka laga hadlayo dadka intoodii badnayd Ciida ayey xarunta soo xasuusteen marka laga reebo hay’adda Camuud Foundation oo iyagu igu yidhi si joogta ah ayaanu sadexdii biloodba wax idiinku keenaynaa iyo qolada carabta joogta oo iyaguna si joogta ah noola shaqeeya iyo Alnuur oo hore Ciidii hore-na wax u bixiyey ciidan iyo Ciid walbana yidhi anigaa kafaala qaaday mooyaane dadkeenu inta badan xiliyada Ciidaha ayuun bay na soo xasuustaan”. Caasha Maxamuud Qaalib ugu danbayn iyada oo baaq u diraysa ganacsatada reer Somaliland waxa ay tidhi “Ganacsatadeena Ilaahay wax siiyey waxaan leeyahay waar kaalaya oo ka qayb qaata horumarka Ubadkan oo idinkuu Ilaahay maanta aduun idin siiyee wax aakhiro iyo aduunyadaba u dhigta. Waxaan jeclahay oo aan ugu ducaynayaa Baayacmushtarka reer Somaliland in Ilaahay tuso baahiyaha dalka jira iyo baahida xarunta agoomaha ka jirta, si ay wixii karaankooda ah uga gaystaan iyaguna. Xaruntani inta badan waxa ay ku socotaa Bajadka ay dawladu u samaysay, laakiin waxa aynu ognahay oo in la xasuusto ah xaalada dalkeenu marayo iyo dayntii badnayd ee aynu dawladdii hore kala wareegnay markaa waxaan ganacsatada leeyahay waar dawladda uun ha ku eegina ee hawsha qaybtiina ka qaata”. |