Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2767

September 12 ,2011                                                                    Shuwaal 14,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirka Waxbarashada Oo Shaaca Ka Qaaday In Maanta Ay Si Rasmiya Ugu Dhawaaqi Doonaan Najiitada Imtixaanadii Shahaadiga Ahaa Ee Fasalada 4aad Iyo 8aad Ee Dalka

“Ardayda S/Land Waxaan U Rajaynayaa Inay Wada Guulaystaan, Saxaafadu Waa Inay Masuuliyad Iska Saarto Waxyaalaha Qaranimada Wax U Dhimaya Ee Cadowgu Ka Faa’iidaysanayo” Marwo Samsam Cabdi Aadan

Hargeysa, September 12, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay si rasmiya ugu dhawaaqi doonaan Natiijadii kasoo baxday Imtixaanadii fasalada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Somaliland, iyadoo wasiirku ardayda reer Somaliland u rajeeyay in Imtixaankaasi ay natiijo wanaagsan ugu guulaystaan, isla markaana hambalyo iyo bogaadin u dirtay.

Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo maalintii Jimcihii doraad socdaal hawleed oo ay ugu maqnayd dalka UK ka soo guryo noqotay, ayaa sidoo kale qurbo jooga reer Somaliland ku tilmaantay kuwo door wax ku ool ah ka qaata dadaalada loogu jiro horumarka Somaliland.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay Saxaafada dalka ugu baaqday, isla markaana ku baraarujisay inay ka fogaadaan wixii qaranimada waxa yeelaya cadowgana ka farxinaya.

Wasiirku waxa uu cadeeyay in xukuumada Somaliland ay kasoo horjeedo waxa kasta oo wax u dhimaya Madaxbanaanida iyo xoriyatal qawlka.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sidaasi ku sheegtay mar uu wargeyska Haatuf shalay galab khadka Telephone-ka kula xidhiidhay, waxna ka weydiinay xilliga kama-dambaysta ah ee natiijadii Imtixaanada fasalada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ay ku dhawaaqi doonaan, iyada oo arrinkaa ka hadalaysana waxay tidhi “Runtii maalintii Jimcihii markii aan dalka kusoo guryo noqday waxaan doonayay inaan Sabtadii shalay-ba ku dhawaaqo imtixaanaadka dugsiyada maadaama ay lahaayeen wasiirka ayaa lala sugayaa, balse wax yar baa ka dhinaa imtixaanka oo isla shalay iyo xalay baa la dhamaystiray, sidaa darteed Insha Alaahu maanta ayaanu si rasmiya ugu dhawaaqaynaa natiijadii imtixaanada dusiyada sare iyo dhexe ee dalka, waxaanan arday reer Somaliland ugu rajaynayaa inay wada guulasytaan, hamblayo iyo bogaadina waan u dirayaa meelkasta oo arday reer Somaliland ahi joogo, macalimiinta iyo xafiiskii imtixaanada ee ka shaqeeyay diyaarintii iyo saxitaankiisa hawsha ay qabteen waan ugu bogaadinayaa, ilaa dhawr iyo toban kun oo arday ayaa natiijadooda lagu dhawaaqayaa”

Wasiirka waxbarashada oo aanu wax ka waydiinay waxyaalihii ay ka wada hadleen Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK Mudadii socdaalka ay dalkaasi ku joogtay, waxay tidhi “Runtii bulshada ku dhaqan qurbaha ee reer Somaliland waa ummad wadaniyiin ah oo u heelan wax u qabadka dalkooda iyo dadkooda, kulankii aanu wada yeelanayna waxaan uga xogwaramay xaalada uu dalku marayo iyo waxyaalihi u qabsoomay xukuumadda cusub muddadii koobnayd ee ay dalka haysay, waxayse warwar ka muujinayeen wararka wax u dhimaya qaranimada ee cadowgu ka faa’iidaysanayo in saxaafada Somaliland ay masuuliyada iska saarto wixii qaranimada dhaawacaya baahintood, sidaa darteed waxaa muhiim ah oo xukuumadana ka go’an in saxaafada ay ka shaqayso qaranimada iyo jiritaanka Somaliland wixii wax taraya, islamarkaana aanay fursad siinin cadowga ka soo horjeeda horumarka dalka iyo dadka”.