Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2779 |
September 26 ,2011 Shuwaal 28,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Britain Oo Laga Mamnuucay In Hooyada Loo Sheego Nooca Ilmaha Ay Caloosha Ku Sido Waxa la soo jeediyay u jeedo lagu joojinayo ama lagaga hortagayo in hooyada loo sheego ama loogu sii bushaareeyo ilmaha u dhalan doona ee ay caloosha ku sido iyada oo la adeegsanayo aalada Computerka iyo Technology-yada Casriga ah. Dalka Ingiriiska dhakhtaro badan ayaa waxa ay hooyooyinka u sheegaan nooca uu yahay ilmaha caloosha ku hayaan marka ay ka codsadaan in loogu bushaareeyo. Arintan ayaa waxa ay dhacdaan marka ay caruurtu uurka jiifaa gaadhaan 20-todobaad, arintan ayaa waxa laga yaabaa in ay waalidiinta qaar ku reebto raad xun marka loo eego dhaqamada kala duwan ee aduunka oo siyaabo kala duwan u arka nooca jinsiga ee dhalanaya. . Niall Gooch, oo ah aqoonyahan baadha arimaha nolosha ayaa waxa uu yidhi: " waxa jira dhibaagto dhaqanka la xidhiidha meelaha qaar oo kamid ah dalkan markaas oo doorashada jinsigu ay dhacayso. Isaga oo khabiirku hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “markii hore waxa aynu jeclayn in aynu waxa ka ogaano uur jiifka laakiin markii danbe dadka qaar ayaa u adeegsaday si aan haboonayan oo ay ku ogaanayaan nooca ilmaha ee ku jira uurka hooyada. "dowladu waa in ay si fiican u eegtaa oo aqooni ku jirto sababta ay dadku u diyaariyaan falalka lagu soo afjarayo nolosha ilmaha uur jiifka ah sababo la xidhiidha nooca ilmaha oo aan ahayn kii la rabay”. Ann Furedi, oo ah la taliye sare oo qaabilsan arimaha uurka ayaa waxa uu yidhi: " way khatar badantahay in ay dhakhaatiirtu sheegaan macluumaad kasta oo ku saabsan hooyada uurka leh maaxaayeelay waxa ay keeni kartaa aamin daro. Guud ahaan arintan ayaa noqonaysa mid laga mamnuuco gudaha dalka Britain. |