Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2788 |
October 06 ,2011 Dul-Qacda 09,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Maxaa Guuleed La Waayay, Gurigaaga Waxaad Ka Waydo, Giriigu Muyuu Ku Siini, Gumaynta Naftaada Jooji” Abwaan Nuuradiin Ibraahim Abees Naftaada adaa gumeeyey Adoon garan waayin xaajo Dhulkaaga adaa gumeeyey Gasiina adoon kawaayin Maxaa guumaysi keenay Dhulkaaga nimcaa gingiman Giriigaba aanba oolin Maxaa guuleed lawaayay Maxaa madi reer u gaara Maxaa goblan hooyo gaadhay Maxaa dumarkii bal gaadhay Maxaa garab kaaga gooyay Baleeg umadaada giigyay Baleeg guushaynu gaadhnay Baleeg guuxaynu reebnay Baleeg hadafkaaga gaaban Maxaa guuleed lawaayay Geerida nolosha haku doorsan Ogow gacalkaa hadhaafin Adoo gurigaaga jooga Maxaa geeriyaad ku geeyay Hoobaanto gacantaadu hayso Hadaad gaajada ku roorto Baleeg maankaaga gaaban Maxaa guuleed lawaayay Maxaa gabal dhacay damtiisa Intii naga geeriyootay Garaadkuba aanu koobayn Maxaa afartaada goonyood Adoo gurigaaga jooga Garnayl uun kaaga tuuray Gafkaa madixiina saran Goormaad ka tashanlahaydeen Maxaa guuleed lawaayay God godwayntu maxaynagoosay Tolow goormaan ka aarsan Muxuu gabankaygu biiyay Maxay ugu soortay goosha Maxaan geedaha dushayda Kawaayay gidi hadhnoolba Gu’gaa da’ay roobka daatay Maxaan asay guudka saartay Maxaa guuleed lawaayay Markay gidigood dareereen Markay gurigooda dhaafeen Markay guumaysi doonteen Walee maba gabo hamkayga Walee gabaybaananba dhaafin Goor uu tahriib dhegtayda Gubuyaan umuurihiisu Maxaa guuleed lawaayay Gurigaaga waxaad kawaydu Giriigu muyuu kusiini Gunaynta naftaada jooji! Gaashaanka dhulkaaga dheeho Ogow guushaan bidaayo Haduu guulihu yiraahdo Ama umadoo garabkayga joogta Tahriibka gumaadidiisa Tii oo ay afartayda goonyood Doocna aankagaabanayn Gunti iyo maansadu waxaytidhi Alaw gacmayaal is haysta Alaw garbayaal jihaysan |