Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2792

October 11 ,2011                                                                   Dul-Qacda 14,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Md Qabille Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Iska Casilay Golihii Dhexe Ee Ucid, Faysal Cali Waraabena Ku Eedeeyay Nin Caadaystay Inuu Hubsiimo La’aan Iskaga Hadlo

“Saaxiibadayda Ku Dhawaaqay Ururka Wadani Aniga Oo Ku Hambalyaynaya Hadana Waxaan Cadaynayaa In Aanan Go’aankaasi La Qaadan” Md Qabille

Hargeysa, October 11, 2011 (Haatuf) - Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Saaxil, kana soo baxay xisbiga UCID ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay golihii dhexe ee xisbiga UCID, isagoo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabena ku eedeeyay nin hadalada uu ku hadlayo aan ka fiirsan, isla markaana hubsiimo la’aan iskaga hadla oo uu tilmaamay inay sabab u yihiin arrimaha kala dhantaalay xisbigoodii.

Mudane Qabille ayaa sidoo kale sheegay in aanu wax go’aan ah ku lahayn urur siyaasadeedka Wadani ee todobaadkii hore lagu dhawaaqay, oo uu tilmaamay in fikirka aasaaskiisa ay u balansanaayeen in kulan labaad ay iskaga yimaadaan, hase yeeshee waxa uu ku hambalyeeyay hogaamiyeyaasha ururkaasi talaabada ay qaateen.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay Haatuf kula soo xidhiidhay khadka Telephone-ka isaga oo sheegay inuu ka soo laabtay shirkii beesha Saaxil dhawaan ugu qabsoomay Tuulada Dubur ee degmada Sheekh.

Md Qabille oo ka hadlaya urur siyaasadeedka Wadani ee xafladii wanqalkiisa ka mid ahaa xildhibaanadii magacyadooda laga xaadiriyay inay ku dhawaaqeen ururkaasi, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii saaxiibadayda ku dhawaaqay urur siyaasadeedka cusub ee Wadani kulan aanu ka wada yeelanay aasaaska ururkaasi oo aanu iskula soo qaadnay wuu jiray dhismihiisa iyo sharciyadiisa-ba, laakinse waxaanu u balanay inaanu kulan labaad iskaga nimaadno, hase yeeshee iyadoo aanan kulankii labaad yeelanin ayaan u baxay shirkii tuulada Dubu, waxaanse warbaahinta ku arkay magacaygii, waxaanse cadaynayaa iyadoo saaxiibadayda aanu muddada dheer soo wada shaqaynaynay aan ixtiraam u hayo, isla markaana aan ku hambalyeynayo ururkaasi ay ku dhawaaqeen. Anaga oo aan wax go’aan ah iskula qaadan ayay ku dhawaaqeen, sidaa darteed wax talo ah kumaan lahayn ku dhawaaqistiisa, waanse ku hambalyeynayaa laygamana baran nin mawqifkiisu liic-liico, waxaanse anigu si rasmiya u cadaynayaa in golihii dhexe ee xisbiga UCID aan iska casilay, muadda xilka golahayaga u hadhayn oo shacabkii isoo doortay aan wakhtiga u huro”

Mudane Qabille oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Faysal Cali Waraabe waxa caado u ah inuu hubsiimo la’aan iskaga hadlo oo uu si degdeg ah iskaga jawaabo, waana arrimihii himillada xisbiga kala dhantaalay, nasiib daro-na wali Ina Cali Waraabe kama waantoobin inuu ku hadlo hadalo aanu ka fiirsanin inta aanay dibnihiisa soo dhaafin, Faysal Cali Waraabe-se ceebtii maaha ee waa caadadii hubsiimo la’aantiisu”.