Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29269

May 04, 2012                                                         Jamada Al-Thani  13,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siirada Saxaabada Rasuulka (scw)

Taariikhda Asxaabiyada Weyn Ee CABDULLAAHI BINU MASCUUD Q.6aad

Wax yar ka dib waxan is idhi waxad tahay gabayaa caqli badan, waad kala garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo kiisa xun, maxaa kuu diidaya in aad maqasho waxa uu akhriyayo Nebi Muxammad (scw), haddii uu wanaagsan yahay waxa uu akhrinayo waad qaadan, hadduu xun yahayna waan ka tagi. Dhufayl wuxu yidhi “waan iska joogay ilaa uu Nebiga (scw) iska baxay, anna waan ka daba tegay aniga oo kula kulmay gurigiisa. Waxan u sheegay in la ii sheeko xumeeyay oo la igu kaa yidhi sidaa iyo sidaa ilaa aan go’aan ku gaadhay in aan labadeyda dhegood suuf ka soo buuxiyo si aanan u maqlin halalkaaga, balse Alle ayaa taa diiday ilaa uu dhagahayga uu soo gaadhsiiyo hadaladada wuuna wanaagsanaa. Haddaba waxan kaa codsanayaa in aad ii soo bandhigto sharaxaad ku saabsan Diinta Islaamka. Markaasna Nebiga (scw) wuxu ii sharxay diinta Islaamka, isaga oo ii akhriyay Suuradda Al-ikhlaas iyo suuradda Al-falaq, Wallaahi maan maqal hadal ka wanaagsan hadalkaa, manaan arkag caddaalad ka fiican tan uu Islaamka dadka ugu yeedhayo, intaa ka dib waxaan Nebiga (scw) u fidiyay gacantayda, aniga oo qiray shahaadad sidaa ayaan ku Islaamay. ka dib Dhufayl wuxu negaa oo uu joogay Magaalada Makka, halkaas oo uu ku baranayay Diinta Islaamka, kuna xifdinayay qaar ka mid ah Suuradaha qur’aanka. Markii uu Dhufayl go’aansaday in uu u laabto magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ayaa waxa uu u yimid Rasuulka (scw), isaga oo ku yidhi ” Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahay nin ay tolkiisa maqlaan, sidaa darteed waxaan jeclahay in aan iyaga u noqdo si aan ugu yeedho Diinta Islaamka, waxanad Ilaahay iiga baridaa in uu ii yeelo calaamad iigu kaalmeysa Dacwada Islaamka. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay dalabkiisii, wuuna u duceeyay. Dhufayl wuxu u safray magaalladii ay tolkiisa deganaayeen, markuu marayo meel sare oo buur ah oo u dhow magaalladii ay deganaayeen tolkiisa, ayaa waxaa labadiisa indhood dhexdooda fuulay Iftiin aad mooddo faynuus. Dhufayl wuxu Ilaah ka baryay inuu iftiinkanka yeello meel aan ahayn wejiga, waayo wuxu ka cabsaday in ay u maleeyaan tolkiisa ciqaab lagu ciqaabayo ka dib markii uu ka tagay Diintii uu haystay markii hore. Iftiinkii wuxu u wareegay karbaash (jeedal) uu watay madaxiisa. Dhufayl markii uu yimi magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu la kulmay wuxu ahaa aabihiis, wuxuna ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku yidhi aabihiis “Isma sheeganno, waayoo waxan ahay Muslim”. Markaa aabihii ayaa ku yidhi wiilkiisa Dhufayl “Wiilkaygayow anniga iyo adigu isku diin baynu nahay, halkaana ayuu aabihii ku soo Islaamay. Dhufayl haddana wuxu dacwada u bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka dhashay ee reer Daws.

 Xaaskiisa iyada oo aan hakad gelin ayey qaadatay Islaamka, inkasta oo reerkiisu ay ku madax adeegeen marka laga reebo Abuu Hureyra (rc) oo isagu qaatay islaamka. Dhufayl wax yar kaddib, wuxu ku soo laabtay Rasuulka (scw), isaga oo sharaxaad iyo warbixinno uga bixiyay wixii uu kula kulmay tolkiisa. Dhufayl wuxu yidhi “Waxan imi magaallada Makka isaga oo uu ila socdo Abuu-Hureyra (rc). Rasuulka (scw) ayaa wuxu i weydiiyay wixii aan kala kulmay tolkayga, waxanan ugu jawaabay ” Quluub ad-adag iyo gaalnimo daran, waayo reer Daws waxa ka xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku caasin”. Intaa ka dib Rasuulka (scw) wuu is taagay isaga oo weysastay haddana wuu tukaday, dabadeedna wuxu kor u taagay labadiisa gacmood isaga oo Ilaahay baryaya. Dhufayl wuxu yidhi markaan arkay wixii uu Rasuulka (scw) sameeyay ayaa waxan u qaatay in uu Rasuulku (scw) habaari doono tolkayg oo markaas la halaagayo. Hase yeeshee Rasuulku (scw) wuxu guda galay in uu u duceynayo reer Daws oo uu leeyahay “Ilaahoow hanuuni reer Daws”, saddex jeer ayuu ku celceliyay. Intaa kaa dib Rasuulku (scw) wuxu deymooday Dhufayl, wuxuna ku yidhi “Waxaad ku noqotaa tolkaaga, una dhimri oo si fudud ugu sheeg diinta Islaamka”. Wixii intaa ka danbeeyay Dhufayl wuxu joogay dhulkii Daws, halkaas oo uu ka gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga soo gaadho wakhtigii uu Rasuulku (scw) u hijrooday Maddiina, ay dhaceyna dagaladii waaweynaa ee Badar, Uxud, Khandaq. Waxan u soo galay Rasuulka (scw), waxana ila socotay siddeetan qoys oo reer Daws oo islaamay, weliba islaamkooda wanaagsanaaday

 Rasuulku (scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaas. Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka dib ee khaliifnimadii loo doortay Abuubakar As-sadiiq waxa aan noqday mid adeeca oo naftiisa iyo seeftiisa u dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna waxa dhacay dagaalkii riddooyinka (dadkii diinta ka noqday), waxana aan ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dagaalama Museylamatul-kadaab, balse marka uu marayo meel u dhow meesha lagu magacaabo Yamaama, ayaa waxa uu arkay riyo, dabadeedna wuxu asxaabtii uu la socday ku yidhi: “waan riyooday, waxanan doonayaa in aad ii fasirtaan riyadaas?!”.

Waxay ku yidhaahdeen maxaad aragtay?. Dhufayl, ayaa wuxu yidhi: “waa tan koowaade waxan ku riyooday annigoo madaxa la iga xiiray. Tan labaadna waxaa afkayga ka soo baxay shimbir, tan saddexaadna waxan arkay haweeneey caloosheeda i gashatay!. Ugu danbeyntiinna waxan arkay wiilkayga Camar oo doonaya in uu igu soo ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay dad na kala dhex galeen”. Dadkii waxay yidhaahdeen oo keliya: “waa kheyr”. Hase ahaatee, Dhufayl ayaa isku dayey inuu fasiro riyadii. Wuxu yidhi, horta madaxa la iga xiiri doono waa iyada oo madaxa la ii dheereyn doono oo la iga jarayo (dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka soo baxay afkaygana waa anniga oo shahiidi doona, haweentii caloosha i gashatayna waa dhulka la igu aasi doonno, SIDAA DARTEED WAXAN RAJEYNAYAA IN AAN DAGAALKA KU SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee xaggeyga soo aadeyna waa isaga oo doonaya SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto), taas oo aan annigu u nasiib yeelan doono marka hore haddii Alle idmo, laakiin Camar isagu xili danbe ayuu shahaadada  haleeli doonaa. Haddaba, markay dhacday dirirtii Yamaama, wuxu Dhufeyl goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro lagu dayan karo, jeer uu ILAAH ka waafajiyo wixii uu doonayay oo ahaaa inuu jidka Alle ku dhinto. Hase yeeshee wiilkiisa Camar, isagu kamuu nagaanin  jihaadka ee wuu sii wada dagaalka, ilaa uu ka dhaawacmo, gacantiisa midigna  ay ka go’do. Intaa ka dib, Camar wuxu ku soo laabtay magaaladii Madiina, halka uu aabihii Dhufeyl ku dhintay (shahiiday) dagaalkaas. Xilligii khilaafada Cumar Binu Khadaab (rc) ayaa waxa maalin Cumar u soo galay Camar Binu Dhufayl, wax yar ka dibna waxa fadhigii Cumar la keenay cunto. Cumar wuxu dadkii ugu yeedhay in ay wax kala cunaan cuntadii, hase ahaatee waxan tagin xeeradii cuntada Camar oo isagu meel cidla ah iska fadhiistay. Cumar ayaa la waydiiyay in uu la xishoonayo  gacanta go’an  awgeed iyo in kale?. Camar ayaa ugu jawaabay haa oo waa runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar Binu Khadaab ayaa ku dhaartay in uu ka qayb qaato cunidda cuntada la keenay, isagoo yidhi: “wallaahi nalama fadhiyo ruux qaar ka mid ah jidhkiisu ay joogaan Jannada ilaa  adiga mooyee”, wuxu uga jeeday  gacanta Camar Binu Dhufayl ee dagaalka uga go’day. Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna waxa u danbeysay in uu helo wixii uu ku yididdiilan jiray in muddo ah, taasoo ahayd in uu ku dhinto jihaadka asaga oo difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw), wuxu ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk ee dhacday sannadkii 15-aad ee hijriyada. Ilaah ha u naxariisto Camar, waayo isna shahiid ayuu ahaa, aabihiisna shahiid ayuu ahaa.