Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29275

May 11, 2012                                                         Jamada Al-Thani  20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Caruurta Dugsiyada S/land Tagta Oo Lagu Qiyaasay 55%, Ardayda Hoose Oo Fasalada BuuxDhaafiyey Iyo Wasiirka Waxbarashada Oo Waalidiinta

Ku Dhiirigalisay Inay Ubadkooda Iskuulada U Diraan "Fasaladu Way Buuxaan Lamana Kala Qaybin Karo Ardayda Oo Ma Jiraan Miisas Ku Filan” Naasir Jaamac Bulaale, Maamulaha Iskuulka Faadumo Biixi Ee Hargeisa

Hargeysa, May 10, 2012 (AFP/Haatuf) – Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in Caruurta reer Somaliland ee dugsiyada tagta lagu qiyaasay ku dhawaad 50 ilaa 55 boqolkiiba, waxaanay tilmaantay in waalidiinta looga baahan yahay inay Caruurtooda u diraan Iskuulada.

Marwo Samsam ayaa waxa ay intaasi ku dartay in Somaliland ay isku dayeyso sidii ay u noqon lahayd wadan awood leh oo ka faa’iidaysta muruqa dadkiisa.

Wasiirka Waxbarashadu waxa ay sidaasi ku sheegtay mar ay u warantay Wakaalada Wararka ee AFP oo warbixin ay ka diyaarisay Waxbarashada Somaliland, ayay Samsam tilmaantay in Miisaaniyada sanadkan waxbarashada looga qoondeeyey 10%.

“Wadan waxa uu xoogaysan karaa oo kaliya marka uu leeyahay awooda dadkiisa ama uu ka faa’iidaysto Muruqa dadkiisa ".

Samsam Cabdi Aadan oo hore u ahaan jirtay Macalimad, isla markaana ah Wasiirka Kaliya ee Haweenay ah ayaa u sheegtay Wakaalada Wararka ee AFP inay isku dayayaan sidii ay Somaliland u yeelan lahayd mujtamac Awood adag leh, Wasiirka Waxbarashadu iyada oo hadalkeeda sii wadata waxa ay intaa ku dartay oo ay tidhi  “Waxa aanu waalidiinta ku boorinaynaa inay caruurtooda u diraan Iskuulada”.

Samsam Cabdi Aadan ayaa sanadii 2011-kii waxbarashada dugsiyada Hoose iyo Dhexe ka dhigtay Lacag la’aan iyadoo sidoo kalena bilowday inay isku darto Macalimiintii Fiiqa Ardayda ka qaadanayey ee aan ka diiwaangashanayn wasaarada iyo macalimiintii rasmiga ahaa oo ay noqdaan kuwo dawladdu mushaharka siiso, waxa kale oo ay tilmaantay in sanadkan Miisaaniyada Qaranka looga qoondeeyey waxbarashada boqolkiiba 10.

Sidoo kale Wakaalada Wararku waxa ay wax ka waydiisay Xaalada Dugsiyada Naasir Jaamac Bulaale oo ah Maamulaha Dugsiga Faadumo Biixi ee Hargeysa, waxaanu yidhi

"Fasaladu way buuxaan lamana kala qaybin karo Ardayda oo ma jiraan Miisas ku filan”

Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa ay rajaynaysaa inay bulshada caalamka tusto degenaanshaha iyo dhismaha qaran Madaxbanaan, inkastoo Beesha Caalamku aanay aqoonsan tan iyo xiligii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni ka tahay Somalia sanadkii 1991-kii.

Midawga Yurub ayaa isagu ah Qaadhaan bixiyaha ugu weyn ee Somaliland iyo Somalia, kuwaas oo ugu deeqa 85 million euros oo u dhiganta $110 million sanadkii qaybta waxbarashada.

Isabel Faria de Almeida oo ah Madaxa EU-da u qaabilsan Waxbarashada iyo horumarinta Dhaqaalaha ee Somalia ayaa sheegtay inay gacan ka geystaan ka hor taga xaaladaha dhalinyarada aan aqoonta lahayni inay ku biiraan kooxaha xag jirka ah, taas oo intaa ku dartay in ujeedada barnaamijkani uu yahay sidii loo heli lahaa Gabdho badan oo Dugsiyada taga, gaar ahaana Dugsiyada sare, halkaas oo tiro yar oo Gabdho ahi ay ak diiwaangashan yihiin.