Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29275

May 11, 2012                                                         Jamada Al-Thani  20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

UDUB Oo La Sheegay Inuu Qarka U Saaran Yahay Inuu Ka Hadho Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Muran Ka Taagan Sharciyada Cidda Hogaaminaysa

Hargeysa, May 11, 2012 (Haatuf) - Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo ahaa Xisbigii ugu horeeyay ee lagaga dhawaaqo Somaliland, isla markaana uu aasaasay Aabihii Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo lagu dhawaaqay bishii October 2001-dii, ayaa khilaaf culus oo ka dhex taagan wakhtigan xaadirka ah hogaanka sare ee xisbigaasi, gaar ahaan gudoomiyaha Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiye ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, oo sidoo kale xukuumadii hore isku ahaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ayaa laga cabsi qabaa in khilaafkoodaasi xisbiga UDUB gayaysiiyo burbur dhaxal siin kara in tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanada ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan 2012-ka ay ka hadhaan, taas oo ay ku tartami doonaan saddexdii xisbi ee hore iyo lixda urur siyaasadeed oo cusubi.

Xisbiga Udub oo sanadkii u dambeeyay ku jiray xaalada kala qaybsanaan ba’an ah oo u kala qaybisay laba garab oo isku haya hogaanka xisbigaasi, ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii guddoomiye ku xigeenka Udub Axmed Yuusuf Yaasiin uu dhawaan Maxkamada sare u gudbiyay sharcinimada hogaaminta guddoomiyaha xisbigaasi Daahir Rayaale, arrintaas oo aan ilaa hada wax xal iyo maarayn ah aan loo helin cidda sharciyan loo aqoonsan doono hogaaminta xisbigaasi Udub ee ay kala jiidanayaan Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin.

Xisbiga Udub oo muddadii labada sanadood ee hogaaminta talada dalka lagala wareegay ka soo wareegtay aanuu cago adag ku taagnayn, isla markaana gagabkii uu ka qaaday doorashadaasi lagaga adkaaday aanu ka soo kaban, ayaa ilo wareedyadu sheegayaan in qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Udub ay hay’adaha Garsoorka iyo Komishanka Doorashooyinka ay damacsan yihiin inay culays ku saaraan sidii xisbiga Udub looga xayiri lahaa tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanada.