|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29275 |
May 11, 2012 Jamada Al-Thani 20,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Suldaan Madashii Lagu Caleemo Saarayey Ku Sii Socda Oo Bileysku Xabsiga U Taxaabeen Iyo Beeshiisii Oo Sawirkiisa Caleemo Saartay “Caleemi Saari Mayno Kursi Madhan, Kuwa Dabadhilifka Ah Ee Caado Qaatayaasha Ee Doonaya Inay Reeraha Isku Diraan Waxaanu Aqbalayno Maaha Arintaasi” Boqor Raabi Hargeysa, May 10, 2012 (Haatuf) - Ciidamadda bilayska Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay Cawil Maxamed Fiiqle oo wakhtigaas ku sii socday Xafladii Suldaanka loogu caleemo saari lahaa, taas oo ka qabsoomaysay Hutel Shiraaqle ee Magaaladda Hargeysa. Sidoo kale Bulshadii Hutelkaas ku sugnayd ee ka soo qaybgashay Caleema saarka Cawil Maxamed ayey arin amakaag ah ku noqotay, markii ay ogaadeen in Suldaanka ay Caleemo saarkiisa u fadhiyaan xabsiga loo taxaabay, isla markaana ay taasi ku kaliftay in Cawil Maxamed Fiiqle oo maqan la caleemo saaro sawirkiisana lagu dhajiyo Kursi, ka dib ay dadwaynihii xafladaas ka soo qaybgalay ay madashaas kaga dhawaaqeen in Suldaankooda oo Jeelka ku jira ay ku Caleemo saaraan halkaas. Xafladaas shalay ninkii la caleemo saarayey la xidhay ayaa wararka dadku isla dhexmarayeen ayaa sheegayey in Mr. Cawil Maxamed Fiiqle Beeshiisa Ciidagale isku waafaqsanayn, waxaanay wararku intaas ku dareen in dhawaan beeshaasi ay Suldaan dooratay, Caleemo saarka Cawil Maxamedna ku tilmaamayey inuu ka dulgali yahay. Dhinaca kale waxa isaguna Madashaas suldaanka Maqan lagu caleemo saarayey markii danbe soo gaadhay Boqor Raabi C/laahi oo xukuumadda ugu baaqay inay 24 saacadood gudahood ku soo dayso Suldaanka la caleemasaarayey, ka soo gaybgalayaashiina ka dalbaday in ilaa iyo inta la soo daynayo Cawil Maxamed ay Huteelkaas joogaan. Boqor Raabi oo halkaas ugu horayna ka hadlayana waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Waxyaabo dhaqanka ku Ceeb ah ayaa jira, oo aad iyo aad ugu xun dhaqanka, ninka reerkiisu caleemo saarayaan, ee ay boqrayaan in la cabudhiyo, loo caga jugleeyo ama loo Cabudhiyo Cid gaar ah, waxaanu aqbali karayno maaha, cidna ka Aqbali mayno, waxaanu doonaynaa oo aanu xukuumada ka Codsanaynaa in sida ugu Dhakhsaha badanleh madasha lagu Caleemo saarayo loo keeno Suldaankii, wax aanu aqbali karno maaha, kuwa daba dhilifka ah, ku waa Caado qaatayaasha ah ee doonaya in ay Reeraha isku Diraan Wax aanu Aqbalayno Maaha, iskumana dilayaan Reerahayagu, walaahi in aanay is dilayn, reerahayagu waa mid, aqbalina mayno caada qaatayaasha ku dhex jira, waxaan idin Armayaa, oo aan idiin sheegayaa in haddii 24-ka saacadood ee socda, ilaa caawa ilaa barri la soo dayn waayo halkaasi ayaad fadhiyaysaan, qof qudhahina ma Bixi karo illaa halkaa la idiinku keeno”. Isaga oo Boqor Raabi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaa la leeyahay oo ay dhagahaygu Maqlayaan Kursi Madhan aynu Caleemo saarno, Caleemo saari mayno kursi madhan waa ceeb, reerkuna dhaqan uma laha, waxaynu nahay Saldanadii soo jireenka ahayd, waxaynu nahay reerkii dhaqan Somaliland kowda ka ahaa, dhaqankeena in lagu Ciyaarona dooni mayno, kuwa doonaya in ay ku Ciyaaraana ka yeeli mayno, waxaan uga Digayaa kuwa doonaya in ay dadka isku dhuftaan, waxaan leeyahay dadku ma gayaan isku dhufasho, idinkana waxaan idin farayaa in aydaan samaynin buuq iyo Aflagaado toona, inta la doonayo in aad samaysaan waxa weeyi, inaad isku dhacdaan, inaad buuqdaan, in aad is xagxagataan inta la idinka rabaa waa intaa, qofka intaasi sameeya walaahi anigaa xidhaya”. Dhinaca kale sida ay ilo wareedo xalay wargeyska Haatuf u sheegeen waxa xoriyadiisii loo soo celiyey Cawil Maxamed Fiiqle, kaas oo la sheegay inuu shalay galab dib u helay Xoriyadiisii.
|