Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29275

May 11, 2012                                                         Jamada Al-Thani  20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Suuqyada Hargeysa Oo Khaati Ka Taagan Lo’ Iyo D/Hoose Oo Amarkii Ay Ka Soo Saartay Socon Waayey 

Hargeysa, May 11, 2012 (Haatuf) -  Suuqyada Caasimada Hargeysa ayaa la ciir-ciiraya Lo’ dhex saqaafta jidadka iyo goobaha qashinka lagu qubo, kuwaas oo indhahaagu qabanayaan Hadh iyo Habeen iyaga oo fadhiya ama Socda jidadka iyo goobaha xashiiska Caasimada laga qaadayo lagu sii ururiyo, iyadoo sidoo kalena ay subaxda hore ku soo dareenaan boqolaal Riyo ah oo raxan raxan u socda, kuwaas oo wax ay cunaan ka raadsada goobaha Xero Hadhuudha, Suuqyada Khudrada iyo Meelaha Qashinka oo mar marka qaar ay weheliyaan Ey iyo Dameero Qashinka la daaqa.

Xoolahan oo Caasimada Hargeysa Bilic Xumo weyn ku haya ayaa inta badan dhex fadhiista hareeraha Jidadka, sidoo kalena aad arkaysaa Saxaradooda oo daadkan wadooyinka, ayaa waxa kale oo ay hakad galiyaan Lo’da iyo Riyahaasi isku socodka qaadiidka.

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo dhawaan soo saartay Amar ay ku farayso dadka Xoolaha ku dhaqda Caasimada ee ku soo daaya Suuqyada in dawladdu kala wareegi doono cidii u hogaansami wayda Amarkaasi, hase yeeshee dad badan oo ka mid ah kuwa Magaalada ku dhaqday Xoolahaasi ayaad moodaa in aanay Amarkaasi gadhgab Jalaq u siin, in kastoo dadka daneeya Bilicda Caasimada Hargeysi inay la mid noqoto Caasimada Geeska Afrika ayaa tibaaxay in Amarada iyo Hawlgalada dawladda hoose ay kor ugu qaadayso bilicda Caasimadu ay ku dambayso Hal Bacaad lagu lisay.

Dadka reer Somaliland ayaa caan ku dhaqashada Xoolaha deegaanada Miyiga oo xooluhu ay ka helaan Baad iyo Biyo ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo garanayn Sababta Keentay in Magaalo Caasimad ah Xoolo lagu dhaqdo iyo faa’iidada dadka Dhaqdaa ay ku qabaan.