Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29275

May 11, 2012                                                         Jamada Al-Thani  20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maamul Goboleedka Puntland Oo La Sheegay Inay Xabsiga U Taxaabeen Afhayeenka Kooxda Khaatumo Seeg Iyo Madaxdhaqmeed Muqdisho Ku Sii Jeeday

Gaalkacayo, May 10, 2012 (W.Wararka) –  Maamul goboleedka Puntland ayaa shalay la sheegay inay xabsiga dhigeen Afhayeenka Maamul ku sheega Khaatumo seeg ee dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland Cumar Jaamac Saleebaan.

Afhayeenka Khaatumo Mr. Cumar Jaamac  ayaa waxa sidoo kale lala xidhay 7 qof oo kale, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madax-dhaqameed iyo odayaal kale oo doonayey inay ka dhoofaan Madaarka Diyaaradaha ee Magaaladda Gaalkacayo ee maamul goboleedka Puntland, si ay u tagaan Magaaladda Muqdisho ee uu ka socdo shirka lagu ansixinayo Distuurka Qabyo qoraalka ee Soomaaliya.

Afhayeenka Khaatumo Seeg iyo Xubnahaas kale ee Odayaasha ah ee la socday ayaa ciidamada ilaalada Madaarka diyaaradaha ee Gaalkacayo qabteen markii ay dhoofayeen si ay u tagaan Magaaladda Xamar.

Sidoo kale Odayaasha lala xidhay Afhayeenka Khaatumo seeg oo tiradooda lagu sheegay 7 xubnood ayaa waxa ka mid ah Caaqil Maxamuud Jaamac Askar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka gobolka Sool ee taabacsan maamul ku sheegaas.

In kasta oo aan ilaa hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee xadhiga 8-deedan xubnood, balse talaabada Maamul goboleedka Puntland ku xidhay ayaa muujinaysa sida ay uga soo horjeedaan maamul ku sheegan Khaatumo ee dhibaatada amaan daro ka abuuray deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle ee Somaliland.