Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29275

May 11, 2012                                                         Jamada Al-Thani  20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Gabadh 15 Jir Saudi Ah Oo Geeriyootay Wax Yar Ka dib Markii Dugsigeedu Ku Wargaliyey Inay Dhamaysay Xifdiga Qur’aanka

Gadh yar oo 15 ah oo u dhalatay dalka Saudi-ga ayaa u dhimatay xanuun aan la garanayn maalin ka hor  markii Dugsigii ay dhiganaysay ugu bushaareeyey in ay dhamaysay xifdiga Qur’aanka Kariimka Ah, Taas oo wax yar ka hor dhimashadeeda waalidkeed u sheegtay inay gaadhay guushii ay muddo sugaysay ee Xifdinta Qur’aanka.

Gabadhan ayaa ka timid magaalada Caasimada ah ee Riyadh iyada oo Dugsigeeda u sheegaysa inay diyaar u tahay ka qaybgalka Xaflada ku balansan inay dhacdo maalinta Khamiista ah, Balse gabadhan ayaa maalintii Arbacadii loola cararay Cusbitaal iyada oo ay la soo daristay Xumad iyo Dareenka oo ka tagay jidhkeeda qaybo ka mid ah ka hor intii aan lagu dhawaaqin inay dhimatay.

“Waxa aan tagay gurigooda si aan ugu hambalyeeyo iyada iyo qoyskooda oo xaalad aad u farxad badan ku jira….waxaanay u sheegaysay iyaga guusheeda, iyada oo indhaheeda ay ka muuqdaan Ilin” sidaasi waxa u sheegay Wargeyska Afka Carabiga kaga soo baxa Sucuudiga ee daily Sabq mid ka mid ah Ehelada Qoyskaasi, waxaanu intaasi ku daray “Wax yar ka dibna ayaa loola cararay Cusbitaalka iyada oo xumad badani ay hayso….Dhakhaatiirtuna wax yar ka dib waxa ay sheegeen in lugaheedu aanay wax dareen ah lahayn….dareen la’aantaasina ay ku sii fidayaan qaybo ka mid ah jidhkeeda ka hor intii aanay dhiman”.

 Dhakhaatiirsa ayaa sheegay in aanay nolosheeda badbaadin karaynin, maxaa yeelay in aanay fahmin ilaa iyo hadda xanuunku waxa uu yahay, waxaanay intaasi ku dareen in ilaa iyo hadda ay isku dayayaan raadinta sababta Xanuunka.

Fariimo ay u dirtay hablaha ay Saaxiibka la tahay ka hor intii aanay dimanin, ayaa la ogaaday inay ku wargalinaysay inay Qur’aanka dhamaysay, waxa fariintaasi ka mid ahaa “Waxaan ku guulaystay in aan Xafido Qur’aanka Kariimka ah, Waxaanan la ilmaynayaa oo aan la ooyayaa farxada guushan …Waxaaan waalidkayga ugu bushaareeyey in aan ku guulaystay balantii ahayd in aan Qur’aanka Xafido … Ilaahay ayaa mahad leh, guushan siiyey qalbigayga, waxaanay noqon doontaa Hubkayga Nolosha”