|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29275 |
May 11, 2012 Jamada Al-Thani 20,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Siirada Saxaabada Rasuulka (scw) Taariikhda Asxaabiyada Weyn Ee AL-BARAA BINU MAALIK AL-ANSAARI (Q.2aad) Tusaalihii geesinimo ee saxaabada:Waxaynu arkaynaa Thabit Binu Qays oo sida calankii Ansaarta oo isu diyaarinaya geeri iyo dhimmasho, isaga oo xidhay kafankii meydka. Wuxu qotay godkii lagu aasi lahaa, dabadeedna wuxu labadiisii dhudhun ku aasay godkii, isaga oo ku sugnaaday goobtaas. Sidaas ayuu ahaa oo ugu dagaalamayay ilaa markii danbe laga dilay isaga oo shahiid ah. Sidoo kale waxaynu kale oo arkaynaa Zeyd Binu Cumar Binu Al-Khadaab oo ahaa Cumar Binu Al-Khadaab walaalkiis oo u dhawaaqaya muslimiinta isagoo leh “dadyahoow goowsihiina qaniina, laayana cadoowgiina, horeyna u sii socda.., dadyahoow, wallaahi ayaan ku dhaartaye hadli maayo wixii odhaahdaydan ka dambeeya jeer laga jebiyo ciidmada Musaylamata ama aan Eebbe kala kulmo, aniga oo wata xujadayda iyo markhaatigayga”. Intaa dabadeed wuxuu rogaal celin ku sameeyay gaalladii isaga oo dagaalamaya, jeer markii danbe isna laga dilo isaga oo shahiid ah. Waxan kale oo isla goobtii dagaalka ka arkaynaa hadana Salim oo ahaa mowlihii (kii la lahaa) Xudeyfa Ilaah ha ka raalli noqdee, isaga oo sida calankii muhaajiriinta. Waxa u cabsaday tolkiisii muhaajiriinta, waxayna ku yiraahdeen “waxaan ka cabsanaynaa in nalooga yimaado dhinacaaga”, wuxuuna ugu jawaabay hadalkan qiimaha leh “haddii la idinkaga yimaado dhinacayga waxaan ahaanayaa qof xambaarsan (xifsadan) qur’aanka kan ugu xun”, dabadeedna si geesinimo ku jirta ayaa wuxuu rogaal celin geesinimo oo ba’an ku celiyay gaalladii, jeer isna laga dilo isagoo shahiid ah. Hase ahaatee, halyeeyadaas aynu soo aragnay dhammaantood waxay ahaanayaan wax yar marka loo barbardhigo halyeeynimada iyo geesinimada Al-Baraa Binu Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee. Al-Baraa oo looga fursan waayay hoggaaminta ciidamada Markii uu Khalid Binu Al-Walid arkay dagaalkii oo sii kululaanaya, oo maraya meel daran ayaa wuxu jaleecay oo eegay xaggii Al-Baraa Binu Malik Al-Ansaari, wuxuna ku yidhi “xaggooda u kac wiilkii Ansaaroow”, dabadeedna wuxu Al-Baraa Binu Malik isna eegay dhinacii tolkiisa, isaga oo leh “ansaareey yuunu qof idinka ka mid ihi ku fekerin in uu ku laabto magaalladii Madiina, wixii maanta ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina.., waxaad leedihiin Eebbe (sw) kelligii iyo Jannada”. Gaallada oo magangalay beertii geerida:Wuxu Al-Baraa iyo asxaabtiisa durbadiiba ay ku qaadqaadeen mushrikiinta, wuxuna Al-Baraa billaabay in uu kala beero safafklii gaallada, seeftiisana wuxu kaga shaqeeyay oo uu ku laayay cadowga Ilaahay qoortooda, jeer ay markii danbe ka ligligato gummadihii ciidamada Musaylamata, waxayna iyaga oo cararaya ku magangaleen beer, taasoo taariikhda u aqoonsatay wixii maalintaas ka danbeeyay magacan “beertii geerida”, dadka faraha badan ee lagu laayay awgeed. Beertan waxay ahayd mid dacalladeedu ay waasic tahay, lehna derbiyo dhaadheer. Musaylamata iyo ciidankiisa gaarayay kumanaanka kun waxay isku soo xireen albaabadeedii, iyagoo derbiyadaas isku ilaalinaya. Ciidamadii Musaylamata waxay billaabeen inay leebabkoodii kaga soo tuuraan muslimiinta, iyagoo ku jira dhufeysyadooda. Taladii Al-Baraa;Muslimiintii waxay galeen khatar kale oo hor leh, waxayna billaabeen inay tashadaan. Muslimiinta geesigooda iyo halyeygooda ayaa haddana soo baxay ee ahaa Al-Baraa Binu Malik, isagoo ku leh muslimiinta “waxaad i saartaan gaashaan korkiisa (wuxuu ahaa nin baryar), dabadeedna waxaad gaashaanka kor ugu qaaddaan warmaha, sidaasna waxaad igu tuurtaan meel u dhow iridka beerta, labo midkood ayaa dhacaya, waa in la i dilo oo aan shahiido, iyo in aan iridka idinka furo”. Ilbiriqsi kamaba soo wareegan jeer ay muslimiintii qaataan taladii Al-Baraa, waxayna saareen gaashaankii, maxaa yeelay markii horeba wuxuu ahaa nin baryar, waxay kor ugu qaadeen tobaneeyo warmood, dabadeedna waxayna ku dhex tuureen dhinacii beerta isagoo dhexda uga galay ciidamadii kumanaanka kun ahaa ee uu hoggaaminayay Musaylamata. Wuxu Al-Baraa sidii baarashuudka oo kale ku soo kor-degay ciidamada Musaylamata dhexdooda, wuxuna billaabay in uu la dagaalamo gaallada, isaga oo seeftiisa ku laayay toban ka mid ah gaalladii jeer uu markii danbe ka furo albaabkii, iyada oo jidhkiisa ay ku yaalaan dhowr iyo toddobaatan dhaawac oo isugu jiray leebab iyo warmo. Muslimiintii ayaa hal mar ku soo butaacay beertii geerida, iyaga oo ka soo galaya beerta derbiyadeeda iyo albaabadeeda, waxayna seefahoodii kaga shaqeeyeen gaalladii ka riddowday/laabatay islaamka, kuwaas oo ku dhuuntay beerta derbiyadeeda jeer laga laayo wax ku dhow labaatan kun, waxayna muslimiintii gaadheen ninkii Musaylamata ahaa, isna markii danbe way dileen, wuxuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee iska sheegta nebinnimo kadib Nebinnimada Nebi Muxammad (scw). Al-Baraa oo jeclaa markasta shahiidnimada: Waxa la soo qaaday Al-Baraa Binu Malik si loo daaweeyo, Khalid Binu Walid ayaa daaweenayay muddo bil ah ilaa uu Eebbe (sw) ka siiyo caafimaad, isaga sababtiisa ayey muslimiinta guul ugu heleen. Al-Baraa Binu Malik Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxu markasta u hiloobi jiray in Alle dartii loo dilo (shahiido), taas oo ka tagtay maalintii loogu magac daray “beerta geerida”. Furashada Tustur: Wixii intaa ka danbeeyay wuxu Al-Baraa Binu Maalik ku taami jiray hilowgiisii weynaa ee ahayd in uu haleelo oo uu ka daba tago Nebigii (scw) qiimaha badnaa, jeer markii danbe laga soo gaadho maalintii loogu magac daray “maalintii furashada Tustur” ee ku taalay gobolka reer Faris. Gaalladii reer Furus waxay ku dhuunteen mid ka mid ah dhufeysyada sibsibka ah. Muslimiintii waxay go’doomiyeen gaalladii, iyaga oo isku soo wareejiyay hareeraha dhufeysyadaas. Markii ay ku dheeraatay gaalladii reer Furus go’doonkaas waxay billaabeen in ay ka soo raariciyaan dhufeyskii ay ku jireen derbiyadeeda silsilado bir ah, laguna sii xidhay kalbado birlab ah oo lagu shiday dab, taas oo ka kulul dhuxusha dabka ah. Kalbaddaas birlabta ahayd waxay galaysay muslimiinta jidhkooda, kadibna way ku dhageysay, dabadeedna waxay u sii qaadaysay xaggii gaallada Furuska iyaga oo markaa dhintay, amaba qarka u saaran in ay dhintaan.
|