Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29275

May 11, 2012                                                         Jamada Al-Thani  20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

88 Jir Reer Thailand Ah Oo Noqday Ardaygii Ugu Weynaa Ee Qaata Shahaado Jaamacadeed

Sa-nguan Sunthornwong oo ah 88 jir udhashay wadanka Thailand ayaa noqday ardaygii ugu da’da weynaa aduunka ee qaata shahaadada jaamacada

Kadib 12 sano oo uu ahaa arday ka tirsan Jaamacada Sukhothai Thammathirat Open University ee degmada Song Phi Nong oo ku taalada Koonfurta wadanka Thailand ayuu mr Sa-nguan ka diyaariyay digriiga jaamacada.

Bangkok Post ayaa qortay in ninkan  odeyga ahi uu si xidhiidh ah u iman jiray fasalada jaamacada waxase uu seegay qalin jabintii dufacadii ay isku fasalka ahaayeen kadib markii uu xanuunsaday.

Waxa uu qaatay shahaadada qaanuunka ama sharciga kadib markii loo sameeyay xaflad gaar ah. Ninkan oo loo aqoonsaday ardeygii ugu weynaa ee qaata shahaadada Jaamacada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu doonaayo in uu wax barashadiisa sii wato oo diyaariyo shahaadada Master Degree.

heleen. Al-Baraa Binu Malik Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxu  markasta u hiloobi jiray in Alle dartii loo dilo (shahiido), taas oo ka tagtay maalintii loogu magac daray “beerta geerida”.

Furashada Tustur:

Wixii intaa ka danbeeyay wuxu Al-Baraa Binu Maalik ku taami jiray hilowgiisii weynaa ee ahayd in uu haleelo oo uu ka daba tago Nebigii (scw) qiimaha badnaa, jeer markii danbe laga soo gaadho maalintii loogu magac daray “maalintii furashada Tustur” ee ku taalay gobolka reer Faris. Gaalladii reer Furus waxay ku dhuunteen mid ka mid ah dhufeysyada sibsibka ah. Muslimiintii waxay go’doomiyeen gaalladii, iyaga oo isku soo wareejiyay hareeraha dhufeysyadaas. Markii ay ku dheeraatay gaalladii reer Furus go’doonkaas waxay billaabeen in ay ka soo raariciyaan dhufeyskii ay ku jireen derbiyadeeda silsilado bir ah, laguna sii xidhay kalbado birlab ah oo lagu shiday dab, taas oo ka kulul dhuxusha dabka ah. Kalbaddaas birlabta ahayd waxay galaysay muslimiinta jidhkooda, kadibna way ku dhageysay, dabadeedna waxay u sii qaadaysay xaggii gaallada Furuska iyaga oo markaa dhintay, amaba qarka u saaran in ay dhintaan.