|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29275 |
May 11, 2012 Jamada Al-Thani 20,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Difaacyahanada Chelsea Ee David Luiz Iyo Gary Cahill Oo Qarka U Saaran In Ay Saftaan Kulanka Bayern Ee Finalka Champions League-ga Difaacyahanada kooxda Chelsea ee David Luiz iyo Gary Cahill ayaa labadooduba dagaal ugu jiraan in ay ciyaaraan finalka Champions League, oo ku xidhan mustaqbalka kooxda. Guuldaradii 4-1 ee kasoo gaadhay Liverpool ayaa waxa ay la micno tahay hadii ay ka badin waayaan Bayern Munich 19ka May waxa ay seegi doonaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda, waxana ay lumin doonaan 50 milyan oo ginni oo dhabar jab ku noqon doonta dhaqaalahooda. Lakiin tababaraha ku meel gaadhka ah ee kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa bilaabaya in uu tababar wada siiyo afarta difaac ee uu la soo shirtagi doono ka dib markii Cahill Arbacadii bilaabay in uu tababar ku qaato kubada. David Luiz, ayaa dhaawacmay kulankii semi-finalka FA Cup ee ay ka badiyeen Tottenham, waxana isaguna uu sidoo kale sameynaayo horumar uu ugu dhawaanayo in uu ciyaaro Finalka Champion-ka. Labada nin ayaa la filayaa in ay noqon doonaan difaacyada dhexe ee kooxda kulanka ay la ciyaarayaan Byaren sababta oo ah kabtan John Terry iyo Branislav Ivanovic ganaax ayay ku seegi doonaan kulanka. Cahill ayaan ciyaarin tan iyo markii dhaawac uu ka soo gaadhay kulankii lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay ka soo talaabsadeen Barcelona. Inkasta oo aan weli tababar la qaadanin kooxda inteeda kale waxa ay u badan tahay in aan halis la gelin doonin kulanka ugu danbeeysa Premier League ee ay axada la ciyaarayaan Blackburn. |