|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29275 |
May 11, 2012 Jamada Al-Thani 20,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Sheikh Mansour Oo Qardaraaska U Kordhinaya Tababare Roberto Mancini Si Uu Kooxda Usii Hogaamiyo Muddo Dheer Macalinkan talyaniga ah ee hogaamiya kooxda Manchester City ayaa heshiiska uu kooxda Manchester City kula jiraa ku egyahay bisha june ee 2013 ka hase yeshee milkiilaha kooxda ayaa ku adkaysanaya in uu heshiis cusub lagali doono Mancini hadii uu ku guulaysto horyaalka iyo hadii kaleba. Wararka ayaa sheegaya in Mancini uu la kulmi doono Sheikh Mansour iyo waliba Khaldoon Al Mubarak marka uu xili ciyaareedku dhamaado. Labada dhinacba waxa ay rajaynayaan go’aan dagdag ah iyada oo laga yaabo in habeenka ku xigana heshiiska la kala saxeexdo. “Heshiiska waxa lasiin doonaa Mancini, qofkastaa waxa uu ku mashquulsanyahay ciyaarta axada ee go’aamin doonta in Manchester City in ay hanato Horyaalka, hase yeshee marka uu dhamaado xili ciyaareedku Mancini waxa uu la kulmi doonaa Sheikh Mansour iyo Al Mubarak” ayuu saxaafada u sheegay qof katirsan maamulka kooxda oo aan magaciisa lasheegin. Inkasta oo uu Mancini hore u dalbaday in lafuro wadahadlo ku saabsan heshiis hadana milkiilayaasha ayaa u sheegay in aan wada hadal la furi doonin ilaa la gaadho xagaaga. Mancini oo kooxda yimid 2009 kii ayaa ku faraxsan in uu sii dheereeyo heshiiska uu kula jiro kooxda laga yaabo in loo caleemo saaro horyaalnimada dalka ingriiska. Heshiiska cusub oo ah $ 6.2m ayaa ah mid uga lacag badan Mancini kii hore ee uu kooxda kula joogay oo ahaa $ 4.3m sanadkiiba. |