Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29275

May 11, 2012                                                         Jamada Al-Thani  20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Luciano Moggi Oo Sheegay In Juventus Ay Xaq U LeedahayIn Ay Xidigta Sadexaad Ku Tolato Funaanadeeda

Agaasimihii hore ee kooxda Juventus Luciano Moggi ayaa sarre u sii qaaday dooda ku saabsan in kooxda Juve ay ku guuleysatay horyaalkeedii 30aad iyo in kale,

Bianconeri ayaa sheegatay inay xiddig seddexaad ku tolan doonto fanadeeda madaama ay dareensan yihiin in ay qaadeen horyaalkoodii 30aad ee Serie A, inkasta oo labo horyaal laga qaaday ka dib fadeexadii Calciopoli.

Si kastaba ha ahaatee, ninkii badhtanka kaga jiray fadeexadaas Moggi ayaa dareensan in Juventus ay xaq u leedahay in ay xiddig seddexaad ku darsado, waxana uu meesha ka saaray hadalkii Moratti oo uu bilowgii todobaadkan ku sheegay in ay tahay in kooxda Turin ka dhisan aysan sameynin waxyaabo kale oo muran dhalin kara.

“Dabcan Juventus xaq ayay u leedahay in ay xiddig seddexaad ku qorato funaanadeeda” ayuu Moggi u sheegay Radio 24.

Moggi, oo iska casilay booskiisa dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2005-06, ayaa sheegtay in uu amaan ku leeyahay guushii ugu danbeysay ee Marwada Duqda ah.

“Weli xidhiidh ayaan la leeyahay madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli, waxanan wadahadalnay ka dib markii ay qaadeen Scudetto” “Waxa uu aniga iyo Antonio Giruado naga bartay sida koox loo agaasimo. Si fiican ayaan wax u barnay” ayuu hadalkiisa ku koobay. Juventus ayaa haatan xalaaleysatay horyaalka Serie A, waxana ay isha ku hayaan labo koob oo xilli ciyaareedkan ay qaadaan madaama 20ka May ay Napoli la ciyaari doonaan finalka Coppa Italia.