|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29276 |
May 12, 2012 Jamada Al-Thani 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Oo Kooxda Khaatumo Seeg Iyo Garaadada Ay Duufsadeen Ee U Tahriibay Xamar Uga Digay Inay Ku Khamaaraan Masiirka Dhulbahante “Danaha Ma-Guuraanka Ee Shacbiga Dhulabahante Ma Yaalaan Xamar Iyo Sh. Shariifka Aydin Ka Garab Heesaysaan, Hargeysa Ayaan Cadaalad La’aan Uga Haajirayaa Oo Somalia Ayaan Doorbidayaa Maangal Maaha” Kornayl C/Llaahi Calas Hargeysa, May 13, 2012 (Haatuf) - Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Cabdillaahi Xaaji Jaamac Calas ayaa kooxda Khaatumo Seeg ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh iyo Garaadada Dhulbahante ee magaalada Muqdisho ee Somalia ku sugan ku eedeeyay in masiirka beesha Dhulbahante ee Somaliland ay majaro habaabiyeen, waxaanu cadeeyay in Aayo ka tashiga Somaliland ee gobollada Sool iyo Buuhoodle aan loo xawili karin Somalia, waxaanu intaa ku daray inaan danaha guud ee beelaha Dhulbahante aanay oolin magaalada Muqdisho, balse tilmaamay in maslaxadoodu taalo Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu ugu baaqay in gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo fidiyay ay u toobad keenaan. Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Cabdillaahi Xaaji Jaamac Calas waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal khaas ah oo uu Soo Gaadhsiiyay Haatuf, qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Warqad furan oo ku socota kooxda Khaatumo, hordhac il-duuf siyaasadeed (Political Slip Up) badbaadadiisu waa garwaaqsi iyo sixititaan lagu sameeyo intay goori-goor tahay, il-duufka siyaasadeed ee ugu cawaaqibka xumi waa ka loo Kooraysto Fardaha Qabyaalada, maxaa yeelay Qabyaaladu waa shucaac maanka gala oo kaa lumiya Jihada, Bulshada uu ku habsadaana silic ku nool ka dhiga, ninkasta oo abaabula xoogg mucaarid oo Qabyaaladi Imaam u tahay Qoomamo ayuu ku dambeeyaa. Cabdillaahi Yuusuf ayaa qeexay oo yidhi, haddii aan moodayo in Maxsuulkii halgankaygii isbadal doonka ahaa sidan uu noqonayo Siyaad Barre kamaan hor-imaadeen. Dulucda mawduucu waa inaan Saxaafada idiinka soo gudbiyo aragtidayda siyaasadiina Khaatumo. Bar bilawgii abaabulka shirarkii Taleex ee majaro habaabay intii aydin wadeen waxa Dr Cali Khaliif Galaydh uu ku baaqay in marka hore Dhulbahante gudahooda ka heshiiyaan dabadeedna Somaliland la heshiiyaan, maalintaas ayaan anigu hoosta ka xariiqay in Yool abaarka siyaasadeed ee kooxdiina G-6 uu yahay kaa uu Dr Galaydh shaaciyay, sidaa darteed anigu shirkaasi kama soo horjeedin ee waan taageersanaa, iyadoo aan qarsoodi ahayna aan dawlada qoraal ugu gudbiyay anigoo xilligaas ahaa Taliyaha Qaybta Bilayska gobolka Sool, maxaa yeelay waxaan aaminsanaa in talada shirkaasi ay soo afjari doonto kala qaybsanaantii beesha Dhulbahante iyo khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Somaliland. Biyo Dhaca Shirkii Taleex:- Mudanayaal waxaydin si lama filaan ah ugu dhawaaqdeen maamul goboleed aydin ku magacawdeen (Khaatumo State) kaaga darane waxaydin Aayihii siyaasadeed ee beesha aad u xawisheen xagaa iyo Xamar idinkoo ka soo dhinac heesay Madaxweyne Sheekh Shariifka Soomaaliyada arrimaheedu isku wada sawaaban yihiin. Hadaba waa su’aale Dhulkii Daraawiisheed ee loo yiqiinay Hawd iyo Nugaal ma loo xawili karaa Xamar mise waa maya? Dabcan jawaabtu waa maya maxaa yeelay, gobolkani maaha mid maanta la helay ee waa ka ugu taariikh cad Mandaqadeena taariikhdiisuna waxay ku suntahay Somaliland, sidaas darteed Xamar iyo meel kale toona looma xawili karo. Hargeysa ayaan Cadaalad la’aan uga haajirayaa oo Xamar baan ka door-bidayaa Sooyaal Taariikheed iyo xaalada maanta toona maangal uma aha Maandhooyinow. Nina mugdi kagama jirto inaan danaha ma-uuraanka ah ee shacbiga Dhulbahante aanay oolin Xamar, balse ay yaalaan Hargeysa. Waxaan idiin soo bandhigayaa weedhii Suugaaneed ee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin uu shacbiga reer Somaliland ugaga digay midowgii fashilmay ee nuxurkeedu ahaa (Saddexdii kale oo maqan hadaydin Xamar Israacdaan idinkoo itaal daran waa la arki doonaa) dabcan, taasi waa la arkay oo waa marag ma doon. Aniguna waxaan maanta idin waydiinayaa hadaydin Xamar maanta ka sii heestaan idinkoo aan Somaliland la socon maxay noqon doontaa natiijada siyaasadiinu? Waxaa muuqata inaydin ka leexateen jidkii haboonaa ee siyaasadiinu waxtar ugu yeelan lahayd Aayaha beesha Dhulbahante, Somaliland, Somalia iyo mandaqada Geeska Africa way cadahay. Sidaa darteed waxaan idinkula talinayaa inaydaan siyaasada Xamar taala ee madhalayska noqotay aydaan ku carqaladaynin Aayaha shacbiga deegaanada aad ka soo jeedaan ee aydin garwaaqsataan uguna baaqdaan waxgaradka beesha Dhulbahante oo ay ugu horeeyaan, Garaadadu gaar ahaan kuwa dhalinyarada ah ee aad waydaariseen dardaarankii Aabayaashood ee ay ka mid yihiin, Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil aqbalaana gogoshii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u fidiyay ee wali fidsan, idinkuna aad timaadaan oo afkaartiina iyo tabashada beeshiinaba aad ka hadashaan” La soco…….
|