|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29276 |
May 12, 2012 Jamada Al-Thani 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Faysal Cali Waraabe OoMaanta Socdaal Ugu Baxaya Maraykanka, Kana Hadlay Kulan Ay Madaxweyne Siilaanyo Yeesheen Hargeysa, May 13, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo maanta ka ambabaxaya Madaarka Berbera, si uu uga qaybalo xuska Sanad guurada 21-aad ee Madaxbanaanida Somaliland ee 18-Ka May oo sanadkan lagu wado in Xus wayn loogu qabto xarunta dalka Maraykan ee Washington ayaa ka hadlay waxa uu kala socdo warar sheegay in hadii labada xubnood ee Somaliland ka soo jeeday uu guddida Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya uu ka saaro Madaxwaynaha TFG-du Sh. Shariif in loo magacaabi doono Guddoomiyaha Guddida Wada-hadaladaas uga qaybagalaysa Somaliland, kaas oo tilmaamay inaanu waxba kala soconin xilkaas la sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabi doono. Eng Faysal Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu Xalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, kaas oo sidoo kale ka hadlay kulan uu Madaxwayne Siilaanyo dhawaan la yeeshay, isla markaana tilmaamay inuu uga warbixiyey Safaro uu mudo 3 bilood ah ugu maqnaa dalka dibadiisa iyo kulamo uu la yeeshay Madax kala duwan. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya ujeedada socdaalkiisa, waxa uu yidhi “Waxaan ka qaybgalayaa Isku soo bax balaadhan oo 18-ka May iyo 19-ka May lagu qabanayo Magaaladda Washington ee xarunta dalka Maraykanka, waxaana qorshuhu yahay inuu halkaas ka dhaco Xus wayn oo ay iskugu soo baxayaan Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanku”. Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Anigu maan maqal meel uu isku hortaagay Wakiilka Somaliland ee dalkaasi isku soo baxa ay Jaaliyada Somaliland ee Maraykanku iskugu soo baxayaan Xuska 18 May. Ilamana aha inuu arintaas ku kacay, kolay waxaanan aad u rajaynaynaa in Shacbiga Somaliland ee dalka Maraykanku inay sanadkan wacaro muujin doonaan”. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey waxa uu kala socdo culayso la sheegay in Sh. Shariif lagu saaray inuu guddiisa wada-hadalka ka soo saaro labadii xubnood ee ka soo jeeday Somaliland, waxa uu yidhi “Anigu Culayskaas Sh. Shariif lagu saaray arintaas ma ogi, laakiin anigu arimahaas waxaan kala hadlay Sh. Shariif markii aanu Magaaladda Abu-dubai kula kulmay 24 iyo 25-kii bishii hore, Waxaanan anigu Madaxwaynaha TFG ku qanciyey inaan loo baahnayn labada xubnood ee uu ka soo daba tuuray gudidiisii wadada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan ka dalbaday inay u hogaansamaan go’aanadii shirkii London ka qabsoomay bishii February ee sanadkan, run ahaantiina arimahaasi waxay noo marayaan meel fiican. Madaxwaynaha TFG-da Soomaaliya hadii uu Talaabadaas Qaado oo arintaas la sheegayo ee la leeyahay labadii xubnood wuu ka saaray guddidiina hadii ay run tahay waan u mahad celinayaa oo wuu mahadsan yahay oo waan u hambalyeynayaa”. Eng. Faysal Cali Waraabe mar wax laga waydiiyey inuu waxa ka jira warar sheegay in isaga dhawaan uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabi doono Guddoomiyaha guddida wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Arintaasi waxba kalama socdo walina cid aanu ka wada hadalnay ma jirto, kolay arimahaasina wakhtigan ma taagna waxkastana wakhtigooda ayeynu la sug doonaa oo aynu ka hadli doonaa”. Mar wax laga waydiiyey waxa ay Madaxwayne Siilaanyo ka wada hadleen kulan uu dhawaan la yeeshayna, waxa uu yidhi “Haa Madaxwaynaha waanu kulanay, waxaananu ka wada hadalnay oo aan Warbixin ka siiyey Socdaalkaygii iyo kulamadii aan la yeeshay Madaxdii aan la kulmay, Waxa kale oo aan arimahaas uga waramay Madaxda Xisbiga Mucaarikaha ee UDUB”.
|