|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29276 |
May 12, 2012 Jamada Al-Thani 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay 10Km Oo Ka Mid Ah Wadada Isku Xidha Dila Iyo Boorama Boorama, May 13, 2012 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan ku dhawaad 8 wasiir iyo Wasiir ku xigeeno ayaa furay 10Km ka mid ah waddada isku xidha degmooyinka Dilla iyo Boorama oo dhowaan la dhisay. Labada degmo ee Dilla iyo Boorama oo isku jira 30Km ayaa waxaa 4 kilometer oo ka mid ah dhismaha la dhameeyay hirgeliyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, halka 6-da kale ay dhiseen ASARDA oo ah urur dhismaha waddooyinka Gobolada Awdal iyo Salal qaabilsan oo ay leeyihiin bulshada gobolka Awdal. Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay xafladdii lagu furayay waddada ayaa sheegay in maamulkiisu uu bulshada gobolka Awdal ka taageerayo dhinacyada horumarinta wadooyinka. Odayaasha dhaqanka magaalooyinka Boorama iyo Dilla ayaa sheegay inay Xukuumada ka rajeynayaan inuu laban laabo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta gobollada Awdal iyo Salal. Sidoo kale waxay madaxdhaqanku ka codsadeen Madxweynaha inay rabaan kulan ay si gaar ah ula yeeshaan Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay intaas ku dareen in ay doonayaan in ay u bandhigaan tabashooyin ay qabaan iyo waxyaabo badan oo dhanka Awdal iyo Salal farta loogu godo oo ay rabaan in ay maamulka M/weyne Siilaanyo iska qanciyaan. Duqayda iyo Waxgaradka degmada Dilla ayaa iyaguna u soo jeediyay M/weyne Siilaanyo in uu dhameeyo xurgufta ka dhaxaysa deriskooda ay isku Abtiga yihin ee reer Gabilay, waxaanay dhankooda balan qaadeen in ay ku dadaalayaan nabadgelyada. M/weyne Siilaanyo waxa kale oo dhagax dhigay 6km oo uu sheegay in ay xukuumadiisu ku biirin doonto dhismaha wadada u dhaxaysa Dilla iyo Boorama. Si kastaba ha ahaatee wadada uu furay M/weyne Siilaanyo ayaa ku jirtay balanqaadkii boqolkii maalmood ee u horeeyay Guushii xukuumadan iyo waxqabadadii looga fadhiyay in ay fulaan boqolkaas maalmood, waxaana la odhan karaa waxay ku qaadatay laba sanadood, waxayse bulshada qaybaheeda ku nool G/Awdal isku raacsan yihiin in xukuumadan Siilaanyo wax ka qabatay wadadaas oo ah meelaha ugu badan ee dawladihii hore ku dhaliilaayeen. |