|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29276 |
May 12, 2012 Jamada Al-Thani 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Wasiir Samaale Ku Wareejiyay Lacag Ka Badan Nus Milyan Dollar Oo Ay Bixisay Shirkad Hawlo Shidaal Qodis Ah Ka Bilaabi Doonta Dhawaan S/land Hargeysa, May, 13, 2012 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shalay Wasiirka Maalliyada ku wareejiyey lacag dhan 579,79500(Shan boqol, sagaalyo todobaatan kun, todoba boqol, shanyo sagaashan kun oo doolar) taas oo ka soo xarootay heshiis ay Wasaarada Macdanta iyo Biyuhu la gashay shirkada Ophir oo ka shaqays dhinaca Macdan qodista. Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa intii aanu lacagta ku wareejin Mr. Samaale waxa uu sheegay inay lacagtaasi ka soo xarootay heshiiska ay la galeen shirkada Macdanta ee Ophir, sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay wax ka bedeleen heshiiskii ay dawladii hore la gashay shirkadan isaga oo xusay inay u kordhiyeen dhulkii ay shirkadu u baahnayd. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa uga mahadnaqay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha sida ay u soo dhamaystirtay dakhligii laga rabay, kaas oo tilmaamay inay wax wayn Miisaaniyadda dalka ku soo kordhin doonto lacagtaasi. Waxaanay sidaas ku sheegeen labada Wasiir Shirjaraa’id oo ay shalay kula kalawareegayeen lacagtaas, kaas oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka Macdanta. Ugu horayna Wasiirka Macdanta oo ka hadlaya arimahisana waxa uu yidhi “Waxaanu maanta Wasiirka Maaliyada gudoonsiin doonaa dakhli ka soo xarooday heshiiska ay wada galeen Wasaarada macdanta, Tamarta iyo Biyaha iyo Shirkada Ophir energy oo shirkad shiidaal ah, Lacagtaasina waxay noqon doontaa dakhli u soo xarooday qasnada dawlada. Heshiiskani maaha mid cusub oo aanu shirkada la galnay laakiin waa heshiis hore u jiray oo dawladii aanu xilka kala wareegnay ay la gashay shirkada Ophir, shirkadaasi markii hore waxay haysatay oo heshiiskeedu ahaa dhul dhan Block iyo badh, intii aanu nimid heshiiskii wax ka bedel ayaanu ku samaynay waxyaalaha aanu ka bedelnayna waxa ka mid ahaa inay dalbadeen inay qaataaan Nus Block-gii ka dhinaa Block iyo badhkaa dhulka ah ee ay hore u haysteen, Markii aanu dhulka dheeraadka ah siinay waxyaalaha aanu ka doonayno inay qabtaan waxay ahayd marka hore inay dardar geliyaan iyo sidii ay shaqada markiiba u bilaabi lahaayeen oo baadhitaankii iyo Sahankii shiidaalku hore u bilaabmo,waxa kale oo heshiiska aanu ku kordhinay in kiro laga qaado dhulka ay shirkadu ku fadhido oo aan hore isaguna heshiiska ugu jirin. Heshiiskaasi waxa uu dhamaaday oo ay labada dhinacba saxeexeen bishii sadexaad ee sanadkan iyada oo ay golaha wasiiraduna ansixiyeen”. Wasiirka Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaaanu maanta wasiirka maaliyada gudoonsiin doonaa dakhligii ka soo xarooday heshiis wax ka bedelka ah ee aanu la galnay shirkada Ophir oo ah lacag dhan 579,795000 (shan boqolyo sagaalyo todobaatan kun,todoba boqolyo shanyo sagaashan kun oo doolar) kaas oo ah dakhli u soo xarooday dawladda”. Wasiirka Macdantu waxa uu tilmaamay inay soo dhawaynayaan wada shaqayntaa shirkada Ophir isaga oo xusay inay deg deg u bilaabi doonto hawsha shaqadeeda. Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Wasiiirkaa Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay inay aad ugu faraxsan yahay in Wasaarada Macdantu ay lacagtan soo gaadhsiiso Wasaarada maaliyada, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Wasaarada Maaliyada waxa farxad u ah in dakhligii ay wasaaradu ka rabtay Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ay fuliso, hawshaasina ay tahay mid ay ku guulaysatay Wasaaradani. Anagu marka aanu Wasaarada Maaliyada nahay waxaanu aad ugu talagalnaa in bajadkii aanu ugu tala galnay dalka oo dhami uu hir galo, waxaanu bixinaa kharash badan oo dhamaanba Wasaaradaha dalka iyo baahiyihiisa ah, dhinaca kalena dakhli kala duwan oo ka soo hoyda kastamada iyo cashuurahaa bariga ayaanu ku hawlanay sidii loo heli lahaa,meelaha kale ee aanu dakhliyada ka raadino waxa ka mida Wasaaradaha qaarkood oo ay ku jirto Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha”. C/casiis Samaale waxa kale oo uu tibaaxay in dakhligii ay sanadkan ka doonayeen Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ay ka dhamaystiran tahay waxaanu yidhi “Waxa farxad weyn noo ah in dakhligiii aanu wasaarada ka doonaynay sanadka labiyo tobanka bilood ah in hada oo aynu bishii shanaad joogno uu ka soo xaroonayo, waxaanu rajaynaynaa in todobada bilood ee hadhay sanadkan in intii loogu tala galay in ka badan ay soo xareeyaan”. Dhinaca kale waxa isaguna Madashaas ka hadlay Mustafe Xaaji Nuur oo ka socday shirkadda lacagtaas bixisay ee Ophir, waxaanu sheegay inay shirkadu hawlaheeda si fiican u bilaabi doonto dhawaan, waxaanu xusay inay aad u soo dhawaynayaan sida ay u wada shaqaynayaan Wasaaradaha Macdanta iyo Biyaha iyo Maaliyadu. |