|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29276 |
May 12, 2012 Jamada Al-Thani 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasiir Duur Oo Sheegay In Guddi Baadhis Loo Saaray Musuqmaasuqa Lagu Tuhunsan Yahay Maayarka Boorama Boorama, May 13, 2012 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa shalay shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay xubnaha golaha deegaanka degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa la sheegay in xubnaha golaha deegaanku wasiirka uga warameen waxyaabaha ay ku dhaliilsan yihiin Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bille oo ay hore maamuus ka xayuubin ugu sameeyeen, waxayna sheegeen in dawlada hoose ee Boorama ay dul hoganayaan fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq ay ku eedeeyeen inuu galay Maayarku, isla-markaana dawlada hoose ka gaabisay hawlihii loo igmaday, ka dib markii muranka masuuliyiintu bateen. Warka ayaa intaa ku daray in xildhibaanadu wasiirka ku wargaliyeen inay iska casili doonaan xildhibaan-nimadooda haddii aan wax laga qaban musuqmaasuqa lagu eedeeyay Maayarka oo ay tilmaameen inay wax ka jiraan. Wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaguna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa la sheegay in dacwada musuqmaasuq ee Maayarka Boorama loo haystaa ay xafiiskiisa soo gaadhay, isaga oo tilmaamay in guddi loo saaray baadhitaanka eedaymaha musuqmaasuq ee Maayar Shide Bille lagu tuhmayo. Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu xildhibaanada golaha deegaanka Boorama la socodsiiyay in natiijada guddida musuqmaasuqa Maayarka Boorama noqoto in lagu helay ay maxkamad geyn doonaan, balse inta baadhitaankaasi ka horeysay xukuumad ahaan Maayarka ay aqoonsan yihiin yahay Cabdiraxmaan Shide Bille, sidaa daraadeedna ay ka war-sugaan xukuumadda iyo baadhitaanka ay wadaan guddida ay saareen kiiska Maayarka Boorama. Wasiir Duur ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii shalay Madaxwayne Axmed Siilaanyo u raacday Munaasibadii xadhiga kaga jarayey jidka isku xidha Boorama iyo degmada Dilla ee gobolka Awdal, weftigaasi oo markii dambe gaadhay Magaaladda Boorama, waxaana la sheegay in kulan Madaxwayne Siilaanyo iyo Madax-dhaqameedku ku yeesheen huteelka Rays ee Magaaladda Boorama ay kaga dalbadeen inuu dhameeyo khilaafka Maayarka iyo xildhibaanada Golaha deegaanka, taasi oo keentay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo Boorama kaga yimaado Wasiir Duur oo isaguna kulanka aynu nuxurkiisa sheegnay la yeeshay xubnaha golaha deegaanka. Source: Ramaasnews
|