Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29276

May 12, 2012                                                         Jamada Al-Thani  22,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddiga Joogtada Golaha Guurtida Oo Wasiirada Qorshaynta Iyo Waxbarashada Ka Dalbaday Inay Horyimaadaan

Hargeysa, May 13, 2012 (Haatuf)-Guddiga Joogtada Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay qoraalo rasmiya oo yeedhmo ah u kala diray Wasiirada Qoshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo la sheegay in qoraalada ay u kala direen Wasiiradaasi ujeedadoodu ay salka ku hayso sidii xog-waraysiyo ay ugala yeelan lahaayeen hawlaha Qaranka ay u hayaan.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola xubnaha guddiga joogtada golaha Guurtida, ayaa tibaaxay in guddiga joogtada golahaasi ay qoraalo shalay u kala direen, Wasiirada Qoshaynta Qaranka iyo Waxbarashada ay kaga dalbadeen inay hor yimaadaan guddigooda.

Waxaanay ilo wareedyadu intaa ku dareen in guddigaasi ay Wasiirka Qosrahaynta Qaranka Sacad Cali Shire qoraalkooda ugu sheegeen in maalinta Salaasada todobaadkan uu horymiaado, halka Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadana ay qoraalka ugu sheegeen inay guddiga hor timaado maalinta Sabtida todobaadka dambe.