|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29276 |
May 12, 2012 Jamada Al-Thani 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Kakha Kaladze Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Kubada Cagta Kuna Biiray Siyaasada Wadankiisa Daafaca kooxda Genoa Kakha Kaladze ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaarta Kubada Cagta islamarkaana uu ku biiri doono siyaasada wadankiisa Georgia. “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego ka dib 18 sanno oo aan kubada cagta ciyaarayay inaan go’aansaday inaan ka fadhsiito” ayuu yidhi. “Waa inaan u mahadceliyaa Genoa, Milan iyo dhamaan taageerayaasha iyo ciyaartoydii aan soo wada ciyaarnay. Waxaan bilaabi doonaa nolol cusub oo dhanka siyaasada ah. Waxaan u dagaalami doonaa xoriyada iyo dimuquraadiyada Georgia” “Waxaan ku riyoonayaa Georgia oo ay caruurteyda si xoriyad ah ugu nolaan karaan” Siyaasada ayaa ah wax si aad ah ugu dhow wadnaha Kaladze, isagoo dhadhamiyay noloasha qaraarka leh ee Georgia. 2001dii walaalkiis Levan oo ahaa arday caafimaadka baranayay ayaa la afduubtay iyadoo lagu doonayay lacag madax furasho ah, lakiin waxaa meydkiisa la helay 2006dii. |