Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29276

May 12, 2012                                                         Jamada Al-Thani  22,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Kulankii Manchester Derby Oo Loo Doortay Is-aragii Ugu Fiicnaa 20kii Sanno Oo Uu Jiray Premier League

Kulankii Manchester derby ee ka dhacay Old Trafford September 2009 ayaa loogu codeeyay ciyaartii ugu fiicneyd Premier League mudadii 20ka sanno aheyd ee uu jiray.

Manchester United ayaa 4-3 kaga badisay Manchester City kulankaas lama ilaawaanka ah, iyadoo Michael Owen uu dhaliyay goolka guusha xilli danbe.

Sir Alex Ferguson, ayaa kulankaasi ka dib isagoo ku faraxsanaa guushii ay gaareen waxa uu ku tilmaamay kulankii ugu fiicnaa abid ee Manchester derby, lakiin haatan oo horyaalka Ingariiska uu u dabaaldegayo sannadguuradii 20aad ee markii loo bixiyay Premier League kulankaas waxaa loogu codeeyay kulankii ugu fiicnaa.

Waxaana kulankaan uu ku guuleystay 18% codadkii la dhiibtay, lakiin kulamadii soo galay kaalinta 2aad iyo 3aad sidaasi ugama fogeyn.

Kulankii Liverpool v Newcastle ee 1996kii ayaa soo galay kaalinta labaad waxaana uu helay 15%, halka kulankii Liverpool iyo Arsenal ee ku dhamaaday 4-4 ee Arshavin uu sida fiican uga dhex muuqday uu isna soo galay kaalinta 3aad isagoo helay 14%.

Horyaalka Ingariiska ayaa u dabaaldegaya xilli ciyaareedkan sannadguuradii 20aad ee markii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League, waxaana dhawaana lagu dhawaaqi doonaa tababarihii ugu fiicnaa 20kaas sanno ee Premier League uu jiray iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa halka Rooney goolkii uu City ka dhaliyay uu qaatay goolkii ugu fiicnaa 20kii sanno ee u danbeysay.