|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29276 |
May 12, 2012 Jamada Al-Thani 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Mark Van Bommel Oo Noqday Ciyaaryahankii Ugu Danbeeyay Ee Ku Dhawaaqa Inuu Milan Ka Tagayo Mark van Bommel ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagi doono AC Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan islamarkaana uu ku laaban doono kooxdiisii hore PSV. Ciyaaryahanka reer Holland ayaa Rossoneri kaga soo biiray Bayern Munich Janaayo 2011, waxaana uu heshiis hal sanno haatan u saxiixi doonaa kooxda PSV Eindhoven. Isagoo warkaan ku xaqiijiyay shir jaraa’id oo uu goordhow qabtay waxa uu 35 jirkaan yiri: “Waxaan ku laaban doonaa Holland waxaan u ciyaari doonaa PSV” Van Bommel ayaa mudadii uu la joogay Rossoneri ku riyaaqay waxaana uu xilli ciyaareedkii hore kula guuleystay heshiis horyaalka Serie A, waxaana la rumeysan yahay in Milan ay u soo bandhigtay heshiis hal sanno ah oo uu ku qaadano 2 milyan euro. Si kastaba, burburiyahan ayaa iska diiday dalabkaas waxaana uu ka doorbiday inuu ku laabto kooxdiisii hore ee PSV oo uu u soo ciyaarayay intii u dhaxeysay 1999 iyo 2005. Alessandro Nesta, Gennaro Gattusso iyo Pippo Inzaghi ayaa labadii maalmood ee ugu danbeysay iyagana xaqiijiyay inay Milan ka tagayaan ka dib dhamaadka xilli ciyaareedka oo ku eg berri oo axad ah.
|