Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29276

May 12, 2012                                                         Jamada Al-Thani  22,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

AC Milan Oo Xaqiijisay Inay La Soo Wareegtay Laacibka Fiorentina Riccardo Montolivo

Milan ayaa xaqiiisay in ciyaaryahanka kooxda Fiorentina Riccardo Montolivo uu sida beeca xorta ah ugu soo wareegi doono xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

“Xilli ciyaareedka soo socda Montolivo ayaa inoo imaan doona, waa ciyaaryahan tayo leh islamarkaana leh qaab ciyaareed farsamo ku dhisan” ayuu yiri tababare Massimiliano Allegri oo u waramayay TV-ga kooxda Milan.

Tababaraha ayaa warkaan ku dhawaaqay wax yar ka hor inta aan la gaarin shirkiisa jaraa’id ee uu maanta ku balansanaa.

“Si kastaba, Milan waxa sannadka soo socda ay noqon doontaa mid koob walba u tartanta, waana inaan sii wadnaa shaqadii aan bilownay xilli ciyaareedkii hore” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa si aad ah loo ogaa inuu heshiis la galayo Rossoneri muddo sannad ah, tan iyo markii uu diiday heshiis ay u soo bandhigtay Fiorentina.

Qandaraaskiisa Fiorentina ayaa dhacaya 30ka bisha June waxaana uu ku biiri doonaa markaas ka dib khadka dhexe ee Milan.

Milan ayaa sidoo kale waxaa ka tagaya ciyaaryahano badan oo da’ ah.