Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29277

May 14, 2012                                                         Jamada Al-Thani  23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dr C/Shakuur Cali Jawhar Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Wadada Dila Iyo Boorama U Dhaxaysa Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Tilmaamay Aqoonyahan Qiimo Weyn Ugu Fadhiyey Qaranka S/land

Hargeysa, May 13, 2012 (Haatuf) – Alle ha u Naxariistee Dr C/shakuur Sheekh Cali Jawhar ayaa shalay ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay wadada Dila iyo Boorama u dhaxaysa xili uu ku sii jeeday Magaalada Boorama, ayaa waxa kale oo shilkaasi dhaawac ka soo gaadhay Xaaskiisa Nimco Muxumed Maxamuud.

Marxuum Dr. Cabdishakuur Cali Jawhar ayaa waxa uu Kaalin weyn ka soo qaatay dib u dhiska Somaliland gaar ahaan wax ka qabashada Cudurada Dhimirka, waxaanu muddooyinkan dambe ku sugnaa magaalada Hargeysa oo uu gacanta ku hayey mashruuc lagu hirgalinayo Cusbitaal lagu daweeyo dadka xanuunka dhimirka qaba, isaga oo muddooyinkan uu ku suganaa dalka socdaalo ku gaalaa bixin jiray gobolada dalka si uu ugu kuurgalo waxna u qabto dadka xanuunada dhimirka qaba.

Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar waxa uu ku takhasusay xanuunka dhimirka oo uu ka gaadhay shahaadada Phd-da, ka sokow, marxuumku waxa uu ahaa aqoonyahan qoraalo ku soo bandhiga oo ku faaqida mashaakilka ijtimaaciga ah iyo siyaasadeed ee kolba dalka ka jira, Waxaanu had iyo jeer u foojignaa oo uu dhiirigalin jiray midnimada iyo wax wada qabsiga bulshada Somaliland.

Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar waxa uu ahaa nin ku adadag dhiiri galinta iyo mabaadiida dimuqraadiyada gaar ahaan xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida Saxaafada.

Marxuumka Oo uu dhalay Sheekhal baladkii Boorama Sheekh Cali Jawhar, waxa ay walaalo yihiin Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah odayashii dhidibada u taagay nabada iyo qaranimada Somaliland, ayaa waxa la filayaa in Marxuumka maanta lagu aaso xabalaha Aabihii uu ku Aasan yahay ee badhtamaha magaalada Boorama.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa marxuumka ku tilmaamay aqoonyahan qiimo weyn ugu fadhiyey qaranka Somaliland, waxaanu tacsi u diray guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaan reer Sheekh Cali Jawhar, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay aqoon yahankii waynaa Alle ha naxariistii Jano ha ka waraabiyee Marxuum  Dr. C/shakuur Sheekh Cali Jawhar oo shalay ku geeriyooday shilbaabuur  oo ka dhacay jidka u dhaxeeya Dila iyo Boorama.

Waxaana sidaas lagu sheegay Qoraal Tacsi ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyadda, kaas oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Sheekh Cali Jawhar, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Aqoon yahankii weynaa Alle ha u naxariistee Marxuum, Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar oo ku geeriyooday (13.05.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Boorama iyo Dilla.

Madaxweynaha oo ka hadlaaya qiimaha u Marxuumku ku lahaa bulshada iyo Qaranka Somaliland waxa uu yidhi:-

Illaahay Naxariisyii Janno ha ka waraabiye Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanada waa weyn ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fadhiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan Illaahay ka baryayaa inuu dhamaanteenba Samir iyo iimaan inaga siiyo, Cawil-naqiisana inoogu deeqo”.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa Oorida Marxuumka oo ku dhaawacan tay shilkaa laftiisa Marwo Nimco Muxumed Maxamuud inuu Illaahay u fudaydiyo Caafimaad deg-degana ka siiyo dhaawacaa ka soo gaadhay shilkaa baabuur.

In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.