|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29277 |
May 14, 2012 Jamada Al-Thani 23,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Haatufka Maanta Ninkii Sheekh Shariif Faruuryo cade waa yaabe malaha ma oga in xiligiisii expire noqday oo nimankii kursiga waagii hore ku fadhiisiyey ay hadda ka jeesteen oo ay wataan sawir kale oo lagu bedalayo, isaguna waxoogaagii uu ururiyey waatan oo waxa ay kaga baxaysaa korodhsiimo uu ka doonayo Salaadiin Shaambo xayraan ah inta uu Xamar shir ugu qabto ku yidhaahdo shan sano ii cusboonaysiiya. Oo horta ninka ma waxbaa u dhiman saw tii loo sheegay in wakhti loo kordhiyo iyo kursi dambe oo lagu fadhiisiyo aanu jiri doonin, ee uu dib ugu biiro xertii Jawhar ee uu ka tirsanaan jiray ama uu dal shisheeye magan galyo siyaasadeed waydiisto sida ninkii ka horeeyey ee C/laahi Yuusuf. Adeer xerowgan yaa ku yidhaa ha isku buuqin oo ha ka cadhaysiin AMISOM-tan aad Muqdisho maganta ugu tahay. Haddii kale waxaad arki doontaa iyadoo kiisaskii aad gashay mid yar oo qudha inta lagagu soo oogo la yidhaa ka-dambeeye dambiyo dagaal, dabeetana xaalkaagu Hague ku dambeeyo. |