Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29277

May 14, 2012                                                         Jamada Al-Thani  23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Tirada Dhalinyarada Ciyaaraha Hidaha Iyo Dhaqanka Ku Shaqaysta Oo Kordhay, Suuq Xaami Ahna Ka Helay Ururadii Siyaasada

“Tirada Aanu Tababarnayna Waxa Ay Gaadhayaan 260, Ciyaaraha Ugu Caansan Ee Aan Ku Tababaray Waxa Ka Mid Ah Dhaantada Iyo Saylicida” C/raxmaan Ganay

Hargeysa, May 24, 2012 (Haatuf) -  Tirada Kooxaha Dhalinyarada ah ee Xafladaha iyo Munaasibadaha la isugu yimaado ku soo bandhiga Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ayaa sanadkii u dambeeyey si xawli ah usoo kordhayey, kuwaas oo Xafladaha kala duwan ee ka qabsooma Hargeysa ku soo bandhiga Ciyaaro iyo Heesho ka turjumaya hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Kooxahan ayaa la sheegay in sanadihii hore tiradoodu aad u yaray, hase yeeshee sanadkii u dambeeyey ay tiradoodu kor u dhaaftay 500 dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira, kuwaas oo si weyn ugu dhiiraday inay samaystaan Kooxo ka hawlgala munaasibadaha iyo Xafladaha oo ku soo bandhiga Suugaan iyo Ciyaar dhaqameed u badan Saylici iyo Dhaanto noocyo kala duwan leh, isla markaana ay si weyn ugu bogaan dadka ka qaybgala Xafladaha oo dhalinyaradaasi ay ku habaan Ciyaaro Jiibta iyo Jaanta ay mar isla helaan.

Somaliland ayaa waxa ka jira shaqo la’aan baahsan oo asiibtay dhalinyarada, taas oo xukuumadihii kala dambeeyey aanay waxba ka qaban jihaynta kumanaan wax bartay oo ku camal la’ magaalooyinka kala duwan ee Somaliland.

Hase yeeshee Shaqo la’aanta dalka taala ayaa keentay in ay aad u kordhaan dhalinyarada isku abaabushay kooxo Ciyaaro dhaqameedada, kuwaas oo shaqo ka dhigta kana raadiya in dakhli ka soo galo ku soo bandhigida Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Munaasibadaha la isugu yimaado.

C/raxmaan Ganay waxa uu ka mid yahay Macalimiinta dhalinyaradan ku tababara Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, Kaas oo mar Wargeyska Haatuf wax ka waydiiyey shalay u sheegay in dhalinyaradani ay suuq xaami ah ka heleen muddadii lagu guddo jiray Shirweynayaashii iyo xafladihii kala duwanaa ee ay qabsanayeen Ururada Siyaasadu, sidoo kalena ay ka Ciyaaraan Xafladaha Aroosyada oo kale, waxaanu yidhi Mr C/raxmaan “Intaan tababaray imika ilaa afar kooxood ayaan ka xasuustaa, tirade aanu sanadkan tababarnay waxa ay gaadhayaan 260 dhalinyaro ah”.

C/raxmaan Ganay oo aan waydiiyey in dakhli ka soo galo Xafladaha ay ka Ciyaaraan iyo waxyaabaha dhalinyaradan ku dhiiri galiya inay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Ciyaaraan iyaga oo ku koray Caasimada ayaa waxa uu yidhi “Haa dakhli wuu ka soo gala, waa ta kaliyaata ee ku sii haynaysa inay koox ka tirsanaadaan, waayo jacylka ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ay u qabaan ka sokow, waxa muhiim u ah in Dhaqaale uu ka soo galo, waa Arday oo Xafiis ama Makhsin ayay kiraystaan oo makhsinkuna waa $50 dollar Kiradiisu iskama bixin karyaan haddii aan Dhaqaale soo galin, markaa waa in ay lacag ka qaadaan dadkan ay u soo Ciyaarayaan, markaa intaas ayay ku niyad samaanayaan, kooxohoodana ku sii jirayaan”.

C/raxmaan ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayey cida dhalinyaro Hablyo iyo Wiil ah oo isku yimid Maamusha ayaa waxa uu yidhi “inta badan iyaga ayaa iskood isku maamula oo aan cid kale oo gacan ku hayn farabadan aan lahayn, waxa kale oo jira Kooxo imika ku tiirsan Unuga Wadaniyada Somaliland oo kale, Koox ku tiiran Xarunta Agoomaha oo kale ayaa jira oo koox ayay leeyihiin Xarunta Agoomuhu.

Angu waxa aan ka taageeraa Ciyaaraha oo (Practical-ah) oo la ciyaarayo, kuwaasaan anigu ku tababar, anigu waxaan hadda ku soo dhex jiray muddo 10 sano ah, ciyaaraha ugu caansan ee aan ku tababar waxa ugu caansan Dhaanto iyo Saylici, Dhaantadii ayaa u kala baxaysa dhawr ciyaarood, Sayliciduna sido kale.

Fursadii ururadii Siyaasada ayay ka faa’iidaysteen, dhamaantood waa kooxo iskood isku agaasimay oo badidoodu sanadkan ayay soo wada kaceen, imika waxa aad u soo shaacsaartay Furashadii uruada siyaasada, Aroosyada ayaa iyaguna aad ugu badan inay ka ciyaaraan, markaa waxa ay ku xidhan tahay kooxdu inta jeer ee ay xaflad ama Aroos ha ahaato ama mid kale ha ahaatee ay ka soo ciyaareen, markaa haddii ay bishii dhawr jeer helaan saddex ilaa laba jeer way sii jiri karaya, waxa laga yaabaa $150 ilaa $300 dollar oo wax soo saar u noqonaysa oo haddii ay qol kiraysteen ay iskaga bixin karaan”.

Si kataba ha ahaatee dhalinyaradan ayaa marka laga yimaado Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka waxa kale oo ay qaadaan Heeso ka turjumaya marxalada uu dalku marayo ee dhinacyada Nabada iyo Dimuqraadiyada ka jirta Somaliland.

Warbixin Axmed Cige