Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29277

May 14, 2012                                                         Jamada Al-Thani  23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Milicsiga Weedhaha Madaxweyne Siilaanyo Ee Taariikhda Ku Suntan Iyo Munaasibadihii Kala Duwanaa Ee Uu Ka Jeediyay

Hargeysa, May 14, 2012 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo lagu tilmaamo Ruug-cadaa Siyaasadeed oo balaaqad Aftahanimo dheeraada Alle u siiyay Khudbadaha uu Saaxada Siyaasadeed iyo Saxaafada ka jeediyo, gaar ahaana xilliyadii uu Halgankii SNM horseedka ka ahayd ee lagu xoraynayay dalkana lahaa Kalmado Tisqaaday oo Taariikhda ku Suntan, isla markaana shacbiga reer Somaliland Maskaxdooda xusuus weyn ku reebay.

Ayaa Sidoo kale waxa jiray, Weedho Mahadhooyin gaara lahaa oo Madaxdweyne Siilaanyo 21-kii sanadood ee Madaxbanaanida Somaliland ay jirtay uu ka yidhi, Fagaarayaasha Siyaasada wakhtiyo kala duwan oo intooda badani ay noqdeen Weedho Tisqaaday oo lagu xasuusto.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo inta badan khudbadaha xilliyadii uu Mucaaridka ahaa uu ka jeedin jiray Saaxada Siyaasada ay u badnaayeen kuwo duur xul Siyaasadeed iyo Sarbeebi ku ladhnayd, oo macne ku dhisnaa.

Hadaynu soo qaadno oo dib u milicsano qaar ka mid ah Weedhihii Madaxweyne Siilaanyo ka yidhi Saaxada Somaliland ka hor intii aanu jagada Madaxweynaha Somaliland ku guulaysan iyo xilliyadii uu ahaa gudoomiyihii ururka SNM, ayaa waxa ka mid ahaa:-

1: 1997-kii, Wararkaasi laga sheegay shirweynaha labada gole ee hoolka hay’ada shaqaalaha dawlada ka socdaa muu ahayn mid shir ka soo baxay ee waxa uu ahaa wanjal mudugaysan.

2: 10-kii May 2003-dii, Odayaal baa la dhaqdhaqaajiyay oo Madaxtooyadaa layskaga yeedhay.

3: Haddii Cad-ceedu kululaato ma Kulmiyaa ka dambeeyay?.

4: June 2004-tii, Arrinkaasi waa Mucjiso Cawil.

5: May 1988-kii Cabdillaahi Xaajow maqaaxida inanta garan mayside waa xaafad ka mid ah xaafadaha Hargeysa, waxaana ku yaala Saldhig Ciidan waana meel istaraatiijiya.

6: Badhtamihii sanadkii 1984-kii xilligii lagu jiray halgankii SNM dalka ku xoreeyay, gaar ahaana xilligii uu dhacay dagaalkii Burco-Duuray ee uu ku shihiiday Mujaahidkii weynaa ee Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) oo maalintaasi Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa gudoomiyihii ururka xaq u dirirka SNM oo idaacada BBC-du wax ka waydiisay geerida mujaahidkaasi, ayaa waxa uu kaga jawaabay SNM waa wada Lixle, halgankuna wuu soconayaa.