|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29277 |
May 14, 2012 Jamada Al-Thani 23,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wasiirka Cadaaladda Oo Ha’yaddaha Garsoorka Amar Ku Siiyay Dhaqan Gelinta Cashuur Cusub Hargeysa, May 15, 2012 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa shalay soo saaray wareegto uu ku amrayo hay’adaha kala duwan ee garsoorka in la dhaqan galiyo Cashuurta ku dhejinta tigidhada oo dhawaan wasaaradda Maaliyaddu ku dhawaaqday in la meel-mariyo. Wasiir Xuseen Axmed waxa uu wareegtadiisan ku amray dhamaan Ha’yadaha garsoorka iyo xafiisyada Nootaayooyinka iyo xafiisyada qareenada iyo xafiisyada dhulka iyo Guryaha inay dhaqan galiyaan cashuurta ku dhajinta tigidhada, Waxaanu Wasiirku ku soo saaray meel marinta Cashuurtan xeer Wasiir oo u dhignaa sidan:- “Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu, markuu arkay xeerka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku tariikhaysan 15 April 2012 ee u jeedadiisu tahay hirgalinta Cashuuraha ku dhejinta tigidhada kuna socotay dhamaan Wasaaradaha iyo Ha’yaddaha Dawladda, markuu arkay xeerka Wasirka Maaliyada ee la qoray 12 May 2012, u jeedadiisuna tahay wakhtiga hab-dhaqan galinta Cashuurta ku dhajinta tigidhada oo lagu cadeeyey in hirgalinta Cashuurta tigidhada laga bilabaayo 12 Mayl 2012 oo ahayd shalay, markii uu tixgaliyey baahida loo qabo in laga wada qayb qaato hirgalinta cashuurta lagu dhajinaayo tigidhada ayaa waxa uu soo saaray Wasiirku in dhamaan lagu wargalinaayo Masuliyiinta Xafiisyada ee xeerka Wasiirku ku socdo in dhaqan galinta ku dhajinta tigidhada in dalka si rasmi ah ay uga bilamatay maalintii shalay ahayd. In laga bilaabo xeerkan Wasiir aanay bixi karin dukomati lagu waajibiyey in tigidh lagu dhajiyin aan ahayn tigidhka loogu talogalay oo helitaanka tigidhada iyo qoraalada ay ku waajibiyaan ku dhajinta tigidhada iyo qiimaha tigidhada ee ay ku qayaxan yihiin inay kala xidhiidhaan xafiisyada Bariga ee dalka. Xafiisyada iyo xisaabiyaasha guud ee Gobalada iy Degmooyinka waxa lagu adkaynayaa in Xeerkan Wasiirku soo saaray laga bilabaayo ama dhaqan galinta ku dhajinta tigidhada 12 May 2012 ee ah bishan aynu ku jirno. Waxaana sigaara Guddoomiyaasha Maxkamadaha looga codsanayaa ee xeerkan Wasiir ku socdo in Maxkamaduhu ay aqoonsan Dhokomatiga lagu waajibiyey ku dhajinta tikidhka ee aanu ku dhajisnay tigidhkii lagu waajibay oo waxaa laga codsanayaa xeerkan Wasiirku soo saaray Masuliyiinta Xafiisyada inay xil iska saran oo ay ku dhaqmaan ku dhajinta Tigidhada xafiisyada Dalka.”
|