Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29277

May 14, 2012                                                         Jamada Al-Thani  23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

QM Oo Heshiis Is Faham (Mou) Oo Xuquuqda Aadamaha Ah La Saxeexatay TFG-Da Somalia

Muqdisho, May 14, 2012 (W.Wararka) – Dawladda TFG-da Somalia iyo Xafiiska Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ayaa shalay kala saxeexday Heshiis is faham iyo mid farsamo oo ay kaga wada shaqeeyaan arrimaha xuquuqda Aadamaha ka dhanka ah ee Somalia.

Raysal Wasaaraha Somalia Cabdiwali Cali Maxamed ayaa sheegay in dawladiisu ay ka shaqayn doonto sidii kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo ilaalin lahaa xuquuqda aadamaha, inkasta oo dastuurka Somalia ay ku jirto qodobo xuquuqda aadamaha ku saabsan. Ayaa sidoo kale waxa uu beesha ugu baaqay in Somalia laga caawiyo hanaanka maamulka iyo dib u dhiska wadanka iyo shuruucda dalkiisa oo ay burburiyeen dagaalo sokeeyo oo daba dheeraaday.

Saraakiisha ka socday guddia Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen habka dawladda Somalia ay u baadho arrimaha xuquuqda aadamaha ka dhanka ah ee ka dhaca Somalia, kuwaas oo sidoo kalena ku baaqay in la ilaaliyo Suxufiyiinta, baadhitaanona lagu sameeyo kuwii dilay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda Sheekh Shariif.