Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29277

May 14, 2012                                                         Jamada Al-Thani  23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Suldaan Hore Xabsiga Loogu Taxaabay Isaga Oo Madashii Lagu Caleemo Saarayey Ku Sii Jeeda Oo Shalay Dib Loo Caleemo Saaray

Hargeysa, May 15, 2012 (Haatuf)  - Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo ciidamada Bileyska Magaaladda Hargeysa todobaadkii hore isaga oo ku sii socda Hutel Shiraaqle oo lagu caleemo saarayey ay xabsiga u taxaabeen ayaa shalay si rasmiya loogu caleemo saaray, isla goobtii maalintii hore xafladiisu ka baaqatay.

Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle ayaa loo caleemo saaray inuu noqdo Suldaanka guud ee beesha Danwadaago oo ka mid ah beesha Salaxlay ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu caleemo saaray xaflad balaadhan oo loogu qabtay Hotel Shiraaqle ee Magaaladd Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Munaasibadiisa Madax-dhaqameed, Odayaal, siyaasiyiin iyo dad kale oo badan, kuwaasi oo soo dhaweeyay Suldaanka cusub.

Madax-dhaqameed badan oo ka hadlay Munaasibada lagu caleemo saaray Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle ayaa Suldaanka ILAAHAY uga baryey inuu ku asturo xilka dhaqameed ee u qaaday shacabka reer Somaliland, gaar ahaana beesha DAN-WADAAGO, iyagga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin Suldaan-nimada Cawil.

Salaadiin iyo Cuqaal faro badan oo ka qayb-galay xafladaas ayaa sheegay inay ka xun yihiin talaabadii lagu xidhay Suldaanka Khamiistii todobaadkii hore, iyagga oo tilmaamay in xadhigaasi ka yimid qayb ka mid ah beesha DAN-WADAAGO oo aan raali ka ahayn Suldaan-nimada Cawil Maxamed Fiiqle, iyagga oo sidoo kalena tilmaamay in khilaafkaasi la dhameeyay, Suldaan Fiiqle-na yahay Suldaan wanaag ku soo biiranaya Somaliland iyo beesha Caleemo saaratayba.

Sidoo kale Munaasibadaas oo ay ka hadleen dad badan oo ay ku jiraan aqoonyahan, haween iyo dhalinyaro soo dhaweynaysay Suldaan-nimada Cawil Maxamed Fiiqle, ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Jaamac Shabeel, kaas oo ka sheekeeyay Muhiimada Madax-dhaqameedku dalka ugu fadhiyaan, isaga oo xusay inay ummadda u hayaan xil-weyn oo u baahan in lagu ixtiraamo.

Jaamac Shabeel waxa uu tilmaamay inay masuuliyiin ahaan ixiraam weyn u hayaan Madax-dhaqameedkan Suldaankan cusubna ay soo dhaweynayaan.

Dhinaca kale Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay dadkii ka qayb-galay xaflada caleemo saarkiisa, isaga oo ummadda ka dalbaday in loogu duceeyo xilka loo dhiibay oo uu xusay inuu u gudan doono sida ugu wanaagsan.