|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 29277 |
May 14, 2012 Jamada Al-Thani 23,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranku Wuxu Mujiyay Yididiilo Ku Dayasho Mudan W/Q: Garyaqaan: Mohamed Muse Jama (Amiin) Sidaynu wada ogsoonahay dalkeena kama jiraan fursado shaqo oo aad u badani xukuumad kasta oo xilka la wareegtaana ma samayso qorshe lagu jihaynayo kumanaanka kun ee sanad walba ka soo qalin jabinaya jaamacadaha iyo koolajyadda kala duwan ee ku yaala jamhuuriyada somaliland. Haddii aad u kuur gasho xaqiiqada dhabta ah e haysata ardayda ka qalinjabisa jaamacadaha waxaad ogaanaysaa in dalka ay ka jirto camal la,aan xumi,waxaad ku arkaysaa suuqyada iyo meheradaha laga shaxeeyaba arday aad u tiro badan oo isku mashquulinaya shekooyin iyo jaraa,iidka ka soo baxa dalka si ay uga egaan ama uga akhristaan wixii fursado shaqo ah e ka banaan Shirkadaha Isgaadhsiinta(Telecomuniactions), Warshadaha(Industries), Haayadaha Qaramada Midoobay( United Nations), Haayadaha Caalamiga(International NGO,s), Haayadaha Wadaniga ah(Local NGO,s) Haayadaha Dawlada(Public Institutions). Si kastaba ha ahaate fursadahaasi maha qaar buuxinaya baahida shaqo la,aaneed ee haysata ardayda sanad walba ka soo baxaysa jaamacadaha kala duwan ee dalka, waxaaba ka sii daran musuqmaasuqa baahsane ka jira dadka soo xayaysiiya shaqooyinka ka banaan haayadahooda, hadii aad istidhaado shaqadaasi wa filkaagiiye xare od xarayso in wax jawaab ahba lagugu soo celin waayo, waxaaba ka sii daran hadaad u tagto oo aad tidhaado maxa loo soo saari waayay short list-ki waxaaba laguugu jawaabayaa si kalsooni ka muqato wala qaatay cidi buuxinaysay booskan, taasi waxay ku tusinaysaa inaanay wax cadaalad ahi ka jirin boosaska lasoo xayaysiinayo. Maalin maalimaha ka mid ah ayan damcay inaan xareeyo sadex boos oo lagu soo xayaysiiyay jaraaid kamid ah jaraaidada kala duwane dalka ka soo baxa, haayada shaqada doonaysa waa haayad cusub oo dawliya, waxaan isku dayay inan diyaar garoobo si wakhtiga shaqadu dhacaysa aanay iga dhicin, subaxnimadii danbe laba cisho ka bacdi wakhtiga shaqadu dhacaysay ayaa waxaan maqlay in sadexdan bosiishanba ay diyaar u yihiin sadex inan oo ka sii daranta isku beel ka soo jeedaa, waa cajiib uman jixin jixne hawshaydii ayan iska sii watay si calfkayga aan uga qaado nasiib daro sidii la sheegayay ayay noqotay ana calafkaygii ayan qaaday. Guntii iyo gabagabadii Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranku isagoo ka duulaya waajibaadka shaqo e u qaranka u hayo, isagoo og baahiyaha shaqo la,aaneed ee haysata ardayda ka soo baxda kuuliyada sharciga jaamacada hargaysa, isagoo ku ganacsan aqoonta, kartida iyo waayo aragnimada ay ardaydani u leeyihiin sharciga wuxuu go,aansaday inuu 11 arday u magacaabo xeer-laaliye ku-xigeeno oo shan ka mid ahi dumar yihiin. Si kastaba a ahaatee tani waxay ku tusaysaa in masuulkani yahay masuulka kaliya ee shaqaalaysiiyay intaasoo arday ah qorshahana ay ugu jirto sidii arday kale u qaadan lahaa, masuuliyiinta kale ee dawladana waxaan u rajaynayaa inay gacan qabtaan jiilkan cusub e sanad walba ka soo baxaya jaamacadaha dalka. Xeer-ilaaliyaha Guudna waxaan leeyahay Guul iyo Gobonimo ayaad muujisay abaal aan la ilaabi karina waanu ku haynaa haanu nahay ardaydii ka qalinjabisay jaamcada hargaysa Gaar ahaan kuuliyada sharciga, waxaanu ilaahay kaaga baryayanaa cilmi dherer, Cafimaad, Hamigaagana in ilaahay ku fududeeyo.
|